Wasiirkii ugu Cimriga Dheeraa Xukuumadihii Somaliland oo ka hadlay Sababaha uu u xushay Xisbiga Kulmiye oo uu ku biiray

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa si faahfaahsan uga warramay sababaha uu u xushay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo uu dhawaan ku biiray.

Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo lagu tilmaamo Wasiirkii ugu cimriga dheeraa Xukuumadihii isaga kala dambeeyey Somaliland laga soo bilaabo 1994-kii ilaa 2010-kii oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, ayaan saaxadda siyaasadda ka maqnaa muddo dhowr sanno ah, waxaana todobaadkan lagu arkay isagoo xidhan shaadhka xisbiga Kulmiye intii lagu gudo jiray maalintii 3aad ee Ololaha xisbiga KULMIYE oo maalintii Sabtida ee todobaadkan ku beegnayd, halkaas oo uu Taageerayaasha Awdal ee xisbiga kala qayb-galay Ololaha Doorashada.

HADDABA, HOOS KA DAAWO WASIIRKA OO MAANTA WARBAAHINTA KULA HADLAY MAGAALADA HARGEYSA.