Wasiirkii Lixaad oo Goor-Dhawayd iska Casilay Xukuumadda Kulmiye iyo Sababaha ku kallifay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof Faarax Cilmi Geedoole, ayaa mar-dhawayd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Geedoole oo noqonaya Wasiirkii Lixaad marka laga reebo wasiir ku xigeenada ee 48-kii saacadood ee u dambeeyey iska casila xukuumada madaxweyne Siilaanyo marka laga yimaaddo Wasiir ku-xigeennada iyo Agaasimeyaasha is-casilay, waxa uu go’aankiisa is-casilaadda ku sheegay inuu xidhiidh la leeyahay khilaafka ka taagan murashaxnimada Xisbiga Kulmiye.

wasiirka-beeraha-somaliland-geedooleWasiir Geedoole oo ka mid ah siyaasiyiinta shaaciyey inay u taagan yihiin murashaxnimada madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye, kana mid ahaa garabka wasiirrada shalay is-casilay, waxa uu sheegay inuu xilka wasaaradda uga tagay inuu u madax-bannaanaado ololaha murashaxnimadiisa Xisbiga Kulmiye.

Geedoole oo khadka tilifoonka ugu waramayey telefishanka Star ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta oo salaasa oo bisha oktoobar tahay 27 waxaan halkan ka cadaynayaa oo aan codkayga idiinku soo gudbinayaa in aan xukuumadda Kulmiye maanta iska casillay xilka wasiirka waxbarashada, aniga oo mahad iyo karaamo ugu haya madaxweynaha iyo marwada qaranka intii aan la shaqaynayey sida karaamada iyo ixtiraamka leh ee aannu u wada soconay. Hawshanna(iscasilaadda) mid xagooga ka timiday maaha laakiin hankayga siyaasadeed 00 ah in aan isku sharaxo madaxweyne ku xigeen culayskana ka jiro xaga xisbiga Kulmiye iyo xaga madaxweyne ku xigeenka waxaan maanta ku qanacsanahy in aan masuuliyaddii ka daadago”

Mudane Geedoole mar uu ka hadlayey in aannu cidna ceeb iyo cambaarayn u hayn ayaa waxa uu yidhi “ILLAAHAY baa mahad leh cid aan ceeb ku sheegayaana ma jirto illaahay baa taana og oo sharaf iyo wanaag mooyee wax kale oo aan ogahay ma jiro, sidaa darteed waxaan leeyahay si khayr leh Alle ha innooga dhigo”

Somalilandpost, Hargeysa Office.