Wasiirkii Hore ee Shaqada oo Fasirtay Waxay ula Jeeday “Askarta ha loo Sujuudo”

Hargeysa(SLpost)- Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, Wasiirkii hore Ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay waxay ku saxday kalmad ku jirtay barnaamij ay kaga hadashay loolanka xisbiga kulmiye Iyo Bulshadu siday u arkaan Askarinimada Muuse Biixi Cabdi Kelmadaas Oo Ahayd “Askarta Inaynu U Sujuudno Weeyaan.”

 

Marwo Ilhaan Ayaa xustay in kelmadan aanay uga jeedin sida loo turjumay ee ah inay lidi ku tahay diinta islaamka balse ay u jeeday muujinta xaqa Uu Dadka ku leeyahay Askari Dartood Dhaxan u taagan Waxayna Tidhi ” Horta guud ahaan umada Somaliland waan wada salaamayaa marka labaad waxaan rabaa inaan iftiimiyo kalmad hadal aan warbaahinta siiyey ku jirtay oo aan kaga hadlay ciidanka qaranka iyo dhibka ay inoo maraan taas oo ka danbaysay ka dib markii lay waydiiyey su’aal ahayd ‘Muuse Biixi Waa Askari Ee Sidaad U Aragtaa” Marka su’aashaa lay waydiiyey ayaa aniga oo dareenkaygu aad isu bedelay aniga oo og dhibta uu askarigu inoo maro aniga oo og xaqa uu anigu leeyahay oo hadana la yaaban dareenka dadweynaha ee ah dalka askari lagu aamini waayo ayaan ku sifeeyey kalmado badan waxaan umada u soo jeedinayaa inay hadalka ka eegaan dhinaca wanaaga qofkuna waa Binu Aadam oo wuu Khaldami karaa Xaqna wuxuu u leeyahay in la saxo mar hadaanu Badheedhin” Ayey Tidhi Wasiirkii hore ee Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Marwo Ilhan Maxamed Jaamac Oo Qoraal ka soo saartay eray si kale loo bedelay.