Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo markii u horeysay muddo dhowr bilood ah afka furtay, kana hadlay Hankiisa Murashaxnimada Kulmiye

“Doorashadu Inay Wakhtigeedii Ku Dhici-waydaa, Madaxweynaha Iyo Xukuumadda Kuma Xidhna” – SAMAALEHargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii u horeysay si toos ah ula hadlay warbaahinta dalka muddo Todoba bilood ah kaddib markii madaxweyne Siilaanyo xilka wasaaraddaas ka qaaday bishii Afraad ee sannadkan.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shalay magaalada Hargeysa ugu warramay telefishanka Star Somali TV, waxa uu ka hadlay halka uu marayo hankiisa murashaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, loolanka siyaasadeed ee gudaha xisbiga ka jira iyo sidoo kale xaaladda dalka.

HOOS KA DAAWO WARAYSIGA UU CABDICASIIS SAMAALE KAGA HADLAY ARRIMAHAN