Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo ka hadlay Saamaynta Qabyaaladdu ku leedahay Qaranimada iyo sida Qabiilku cadowga ugu yahay Qaranimada

Hargeysa, 14 April, 2012 (SLpost)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka deyriyey hagar-daamooyinka ay qabyaalladu u horseeddo Qaranimada isla markaana tilmaamay faraqa u dhexeeya kaalinta debeqaadda Qabyaaladda ee wakhtiyadii hore ee Aqoontu ku yarayd dadka iyo wakhtigan oo si ballaadhan aqoonta, isaga oo carrabaabay in Qabiilka iyo Qaranku aanay ahayn laba wada shaqayn kara.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay Munaasibad loogu magac-daray CAWEYSKA HOGGAAMINTA HABBOON IYO HAL-DOORKA DHALINTA HARGEYSA sooNA agaasimeen ururka UNUGGA WADANIYADDA SOMALILAND oo xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa isla markaana ay Keligii ku soo casuumeen munaasibadda si uu uga warramo waayo-aragnimadiisa siyaasadeed, waxa uu ka warramay mudadii uu xilka hayey horumarkii uu gaadhay dhinaca maaliyada iyo cashuur soo ururinta.

Wasiirkii hore maaliyadda Somaliland Eng; Maxamed Xaashi ayaa ka waramay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland soo martay, iyo wakhtigii gobonimo doonka ee lixdankii sida ay u shaqaynayeen bulshadii ku dhaqnayd Somaliland iyo sida ay uga fogeyd qabyaaladda, isagoo tilmaamay in dawlada Ingiriiska ay madax banaanidda ka qaateen uu ku yimid isku duubnimada iyo qaranimadda shacabkii wakhtigaasi noolaa oo uu sheegay in aanay qabyaaladdi ka jirin, waxaanu sheegay in wakhtigan oo wax la bartay oo aqoonyahano la yahay dib loogu noqday qabyaaladdii.

 “Qaran iyo Qabiil meel ma wada fadhiistaan, marka  aad eegto kalmada Qaran wuxuu isu keenaa dadka  oo wuu  soo ururiyaa, qabiilkuna waa wax kala kaxeeya oo dadka oo reer reer u kala shiraya iyo tafaaruq ayey tahay, waxaan tusaale usoo qaadanaya gumaysigii dalka xukumayey, xisbiyo ayaa jira, waxa ay isticmaali jireen arin qaran oo isku keena, ingiriiska sidii bay ku saareen, marka aad eegto maanta, ingiriisku wuu ka xoog badnaa dawladihii aanu soo marnay, hadana wuu heyn kari waayey ummad isku duuban,”ayuu yidhi wasiirkii hore ee maaliyadda.

Maxamed Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay in wakhtigii ingiriiska Hargeysa laga doortay nin aan reer Hargeysa ahayn markiii dambana la doortay nin ka mid ah beelaha la haybsooco, taasina ay cadaynayso in wakhtigaasi aan qabyaalad wax lagu dooran jirin ee qofka waxa uu yaqaan lagu xulan jiray.

“israaci Soomaaliya Qiimo weyn ayey inagu taagnaa, waxa aanu ku galnay isku darkii in caasimaddu noqoto Muqdisho, madaxweynuhu noqdo Soomaliya, Ra’isal wasaaruhu noqdo, wasiirka Arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, Maaliyadda, labadda taliye ciidan uu noqdo soomaaliya, intaas bay isku wada raacsadeen ayaaanu la galnay sida soomaalinimada u jecleen ayey daliil u ahayd,” ayuu Eng. Maxamed Xaashi hadalkiisa raaciyey.

Wasiirkii hore maaliyaddu waxa uu tilmaamay dhibaatadda ay leedahay qabyaaladu waxaanu sheegay in qabyaaladdu tahay eex iyo cadaalad daro, waxaanu dhalinyarada kula dardaarmay inay ka fogaadaan qabyaaladda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net