Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo dalka ku soo laabtay kana hadlay khilaafka ragaadiyey Xisbiga UDUB

Hargeysa, 10 March, 2012 (SLpost)-Wasiirka hore ee Wasaarada Maaliyada Xuseen Cali Ducaale Cawil ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay markii uu muddooyinkii ugu danbeeyay uu ku sugnaa dalka Kenya.

Mr. Cawil oo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, waxa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UDUB  iyo saraakil kale.

Wasiirka hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale oo war kooban warbaahinta ku siiyey qolka nasashadda ee madaarka waxa uu yidhi, “Ummadana waa in had iyo jeer aad wacyigalisaan oo aad wanaaga  u sheegtaan oo waxaynu maraynaa wakhti aad u culus, waa in aad ummadeena aad wacyi-gelin una sheegtaan in aynu isku dubnaano”.ayuu yidhi wasiirkii hore ee maaliyadda Xuseen Cali Ducaale

Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale waxa uu ka hadlay khilaafka xisbiga mucaaridka  ee UDUB soo kala dhex galay, isaga ooa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Tan xisbiga UDUB ee khilaafka siyaasadda ah haddii aanu khilaaf jirin Siyaasad ma noqonayso, khilaafka iyo siyaasaddu waxa weeye laba is bahaysta.Xisbiga UDUB-na khilaafkiisu wax kooban weeye oo waxaan rejaynayaa in si dhakhso ah loo dhammayn doono oo guddoomiyihii baa jooga oo guddoomiye ku-xigeenkii baa jooga, marka waxaan aaminsan nahay in arrinta khilaafka UDUB uu si deg-deg ah u dhammaan doono ayaan aaminsan nahay.”

Cawil Ducaale waxa kale oo uu hadalkiisa ku daray baaq uu u jeediyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo  ugu baaqay inuu kor u qaado dakhliga dalka. Hadalkan uu Cawil u jeediyey Wasiirka Booska ka beddelay ayaa noqonaya mid la mid ah eedo iyo baaqyo uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee wakhtigan u jeedin jiray Xilligii uu Cawil gacanta ku hayey maamulka Maaliyadda Dalka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net