Wasiirkii Hore ee Kaluumaysiga oo ka Hadlay Dhibaatooyinka Hortaagan Somaliland iyo Siyaabaha Looga Bixi Karo

Hargeysa(SLpost) – Wasiirkii hore ee kalluumaysiga, khayraadka badaha iyo maamula dekadaha jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa ka hadlay dhibbaatooyinka dhaqan, dhaqaale ee weli hortaagan bulshada Somaliland iyo sida oo kale siyaabaha kala duwan ee loo waajahi karo siddii looga baxi lahaa dhibbaatooyinkaas, waxaana uu carabka ku dhuftay in dhibbaatada ugu weyn ee qarankan haysataa ay tahay dhibbaatada qabyaaladda oo uu sheegay in mudaddii ay jirtay xukuumadda Kulmiye in ay xididaysatay.

 

Dr.Maxamed Yaasiin Xasan, oo ah aqoonyahan had iyo jeer ka hadla sida oo kalena bulshada uga diga dhibbaatooyinka qabyaaladda, ayaa hadalkan ka sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay internetka ee Face-book, waxaana uu xukuumadda Kulmiye uu dusha u saaray in hagratay xoogga dalka oo ah dhallinyarta kuwaasi oo uu sheegay in ay ku beertay dareen qabyaaladdeed.

Qoraalka uu Dr.Maxamed Yaasiin ku baahiyey boggiisa Internetka, ayaa waxaa uu u dhignaa sida tan:

 

Waxa xaqiiq ah in Somaliland maanta marayso meel  aynu odhan karo waa macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaal, Somaliland waxa ay noqotay wax aynu maanta Somalidii kale ugu faano, waana Illaahay mahaddii, laakiin hoosteedu ma qurux badna. Halgankii dheeraa ee SNM iyo Dib-u-dhiskii Somaliland, waxa uu noqday wax marka aynu dul joogsano xanuun badan, haddana guul iyo sharaf inoo ah oo aynu ku nabad galnay. Laakiin Nimco waliba nusqaan bay leedahay.

 

Nusqaan teena ugu wayni waa qabyaaladda, qabyaaladuna waa cudur dilaa ah oo aynu la noolahay dadka iyo dalka-ba innaga rogaya.Waxana ii muuqata in aynu isu haysano in aynu meel ku gaadhi karayno qabyaaladda. in qabiilooyin is bahaystaan si ay qabiilo kale u muquuniyaan si ay meel ugu gaadhaan, qabyaaladdaasina meel gaadhsiin mayso.

 

Qabiil adeegsada awoodii dawladnimo si uu xukunka ba u boobo oo durbaan qabyaaladeed u tumo iyana meel ku gaadhi mayno. Waxa xaqiiq ah qabyaaladda aynu marba dhan ula cararayno meel ku gaadhi mayno, waynu Xabaalo badsan doonaa. mana aha dariiq haboon.Haddaba waxa aan leeyahay Dadka Reer Somaliland sidani inama dhaqayso, waynu riyoonaynaa, dal jirana sidan ku noqon mayno haddii aynaan qabyaaladan xadhko goosatay xad u yeelin. runtu waa run, beentu na waa been. Runta aynu isu sheegno, oo yaynaan been ku haasaawin, ubadkeenana ku korin. Xaaladan aynu ku jirnaa ma fiicna, ana nin wayn baan ahay run aan sheego “Milil guud kii lama dhayo, nabarkuna ma bogsado, haddii aan boogta la sarin.”

 

“Si aynaan Beri u Qoomamayn oo aan la inoogu wiirsan, waa in Qabyaaladdan xadhkaha goosatay dood laga furaa. Si aynu dhibtan xal ugu helo.Maalin ay maanta ka fiicantahay in laga furaana ma jirto. Waxa aan leeyahay yaynaan ka baqin ka hadal keeda oo xalka iyo sidii aynu uga bixi lahayn aynu ku dhiirano. Runtu waxa weeye Somalidii kale ka tagnay, Inana naf isuma hayno, waayo? Waxa aynu ka bixi waynay Qudhunkii Qabyaaladda. Midna aynu ogaano meesha Qabyaaladdu inala marayso waa meeshii aynu ku jabi lahayn. Haddii aynu mar danbe jabnana waxa aan hubaa, ma hayno mama jirto Isku kalsooni iyo Is aaminaad aynu dib ugu kabano.

Waayo? Qabyaalada ayaa Ina kala kaxaynaysa.

 

Haddii aynaan Inta goori goor  tahay aynaan dalkan iyo dadkan u talin. qabyaaladda na la xadayn. hore ahaa loo yidhi “CAANO DAATAY BA GADAAL KOOD LA QABAY”. Weli waxa aynu haysanaa fursad aynu Dalka iyo Dadka ba ku badbaadin karo. Haddii se aynu waalidan ku jiro, Walee meel dheer baynu ka dooni, Anna waxa aan leeyahay Ilaahay meel xun inama dhigo. Mid kale na aan run ka sheego, Dadkeeni hore waxa ay ahaayeen dad isyaqaan oo wada dhashay, Min Saylac ilaa Laas Qoray. Waxa na ay ahaayeen dad dhib walba xal u heli kara iyaga oo ka faa’idaysanaya aqoonta ay isu leeyihiin iyo Wada dhalashadooda.

 

“Eedna ma laha dhalinyadadani waayo? Mustaqbal koodii baa lagu ciyaaray, Hantidii Qaranka ee lagu Jihayn lahaa Debedaha ayaa loo la baxay, waxna Wadanka dhexdiisa ayaa lagu dhistay. Waxa Eeda leh, Hogaanka Kulmiye.”

 

XAL

Somaliland dadkeedu waa in ay toosaan oo hurdada ka kacaan, oo laga dhabeeyaa qaran dhiska iyo Aqoonsi doonista. waa in la helaa Doorasho Xor iyo Xalaal ah, oo is bedel Dawladeed inoo keena. Kulmiye 7 Sanadood oo qabyaalad iyo qaraabo kiil ah kadib, waa in uu meesha ka baxaa . 28 March 2017. Waa in dawladda cusubi noqotaa dawlad la dagaalanta qabyaaladda iyo qaraabo kiilka, Lana timaado Maamul wanaag. si qabyaaladda loo tirtiro waa in geed keeda la gooyaa, kaas oo ah Salaadiinta, Cuqaasha iyo Intii sheegata in ay Qabiil u taliyaan ama ka wakiil yihiin. Shacabka Somaliland iyo Dawladooda waa in aan cidi u dhaxayn. Dawladdu waajibkeeda garataa, Shacabkuna waajibaad kiisa gartaa. Dawladda Cusubi waa in ay Shir Wayne loo dhan yahay oo lagu tirtirayo Qabyaaladda ay qabato. Waa In Caruurteena Dugsiyada Hoose ilaa iyo Jaamicadaha lagu baro Wadaniyadda iyo Taariikhda Wadankooda. Waa fikradaha aan rajaynayo in Xisbiga Waddani ku talaabsado haddii uu helo kalsoonida Shacabka. Waxa aan jeclaan lahaa in Asxaabtaydu ka dhiibtan fikirkooda sidii aynu uga bixi lahayn dhibta qabyaaladda.”.