Wasiirkii hore ee Ganacsiga oo weedho dhaxal-gal ah ku sagootiyey Madaxweyne Siilaanyo, ugu baaqay inay isaga iyo Guddoomiye Muuse Biixi khilaafka ka dhex-saaraan xisbiga

dr maxamed cabdilahiHargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ugu baaqay inay si deg-deg xal uga gaadhaan Khilaafka ka dhex-aloosan Xisbiga gudihiisa, isaga oo sheegay inaanay danta Qaranka iyo Mustaqbalka xisbiga ku jirin is-jiid-jiidasho dhexmarta masuuliyiintiisa.

Md Maxamed Cabdilahai Cumar oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu xilka wasaaradda ku wareejinayey wasiir Cusub oo madaxweynuhu dhowaan u magacaabay, ayaa sheegay inuu ka tirsan yahay masuuliyiinta u sar-sareysay ee xisbiga, sidaas awgeed ay laxe-jeclo weyni ka hayso dhismaha xisbiga Kulmiye.

HALKAN KA DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET