Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha oo Xukuumadda ku booriyey inay Firfircoon ku Debeqdo Hawl-galkeeda nabadeynta Deegaamada Galbeedka dalka

Cabdi Siciid FaahiyeHargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye, ayaa Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay wax ka qabato qul-qulatooyinka Amni ee ka taagan galbeedka Somaliland, gaar ahaan degmada Xariirad ee Gobalka Salal oo habeen saddexaadkii gudaha magaaladaas ay dabley hubaysan ku dileen marxuum ku dhex ganacda magaaladaas, kaas oo dilkiisa lala xidhiidhiyey Aano hore u dhexmartay labada beelood ee deegaankaas wada dega.

Cabdi Siciid Faahiye oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu ka deyriyey xaaladda ammaan ee Ciyaartoygii tartanka gobollada dalka u metelayey gobolka Selal, kuwaas oo awoodi waayey inay ka gudbaan deegaannada ay shaqaaqadu ka dhacday.

Cabdi Siciid waxa uu sheegay inaan ilaa immika la qaban shir loogu ballamay in Xukuumada iyo madax-dhaqameedka Gobolka Selal isugu yimaaddaan si looga wada-hadlo khilaafkii ka dhashay doorashadii Golaha degaanka ee dabayaaqadii sannadkii hore dalka ka dhacday, iyada oo muran beelaysan ka dhashay natiijadiika ka soo baxday doorashadii degmada Saylac.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Ciyaaraha xukuumadda Kulmiye, waxa uu ugu horreyn xukuumadda u jeediyey baaq ku aaddan shaqaaqada ka aloosan degmada Xariirad, waxaanu yidhi, “Waxaan Xukuumada ugu baqayaa inay doorkeeda ka ciyaarto waxaas dhacay ee maanta fool-xun inaanay dib u dhicin, nabad-gayadana wax laga qabto, Xukuumadda waxa laga doonayaa inay la timaado dedaalkeedii, markaa xukuumadda kama arkayo firfircooni ee waxa looga fadhiyaa inay la timaado firfircooni dheeraada oo waxaas lagu bogsiiyo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Immika waxa  halkan saaka (shalay subax), iigu wada yimi dhamaan Ciyaartoygii Reer Awdal iyo kuwii Reer Salal oo wada socda oo Bas watay, waxaanay isku hayeen idin ma raacayno oo waatan wax la dilay ee anagu xaggan ayaanu ka wareegaynaa ee idikuna dhinacaas ka wareega. Durbadiiba nabad-galyadii ayay samaysay oo waan u sheegay Wasiir ku-xigeenkii amniga oo aan la hadlay isaga iyo Cabdillaahi Iimaan inuu inamada u yimaado oo ay gaadhsiiyaan halkii ay ka yimadeen wuuna naga caqbalay.”

Cabdi Faahiye waxa kale oo uu sheegay inuu qab soomi layahay shir ay doonayaan inuu dhex-maro Xukuumada iyo Madax-dhaqmeedka degaanka Salel oo la doonaayey in lagu so oaf-jaro murankiii ka dhashay Doorashadii Golaha Degaanka, gaar ahaan degmada Saylac ee 28/11/ 2013 dalka ka qabsoontay.

SOMALILANDPOST.NET