Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada Somaliland Oo Saxaafadda Madaxa-Bannaan Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xog-Hayihii Ururka SOLJA

cabdilaahiHargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Xaaskiisa Sahra Yuusuf Cabdi waxay Tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii iyo bahweynta Saxaafadda Somaliland oo ay ka tacsiyadeenayaan geeridii ku timid Alle ha u naxariistee xog-hayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaalo madaxda dalka Kenya ee Nayroobi.

Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu ku tilmaamay marxuumka tiir adag oo ka baxay saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland.

“Marxuumku waxa uu ahaa nin aad u dedaal badan oo markasta saxaafadda madaxa-bannaan uga fikiri jiray sida waalidku ay ubadkooda uga fikiraan,” waxaanu Cabdilaahi Maxamed Ducaale marxuumka Alle uga baryay inuu naxiirtii Janno ka waraabiyo Samir iyo Iimaan saadiq ahna ka siiyo dhamaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay.