Wasiirkii Arimaha Gudaha Israa’iil oo Xilkii Isagacasilay Tacadiyo Galmo

Israiil(SLpost)-Wasiirkii arrimaha gudaha ee Israa’iil Silvan Shalom, ayaa xilka iska casilay kaddib markii ay soo wajaheen eedaymo culus oo la xiriira tacadiyo galmo.

Shalom, oo sidoo kale banaynaya xilka Rai’sal wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in uu sidaasi u yeelayo qoyskiisa dartood iyo in laga baaqsado in ay arrintu keento dhibaato intaasi ka sii badan.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo eedaymaha ay dhawr dumar ah u soo jeediyeen Shalom.

Shalom waa uu diiday in uu wax khalad ah sameeyay.

Israa’iil waxaa soo maray sanadihii u dambeeyay dhawr dhacdo oo noocan oo kale ah oo ay ku lug lahaayeen masuuliyiin sarsare.

Taliyaha qaybta ka hortaga musuqmaasuqa ee booliiska ayay ku socdaan baaritaano la xiriirao tacadiyo galmo, bishii horena xildhibaan kale oo ka tirsan xisbiga talada haya ayaa is casilay isaga oo bartanka kaga jira eedaymo galmo la xiriira.

Sanadkii 2011 madaxwaynihii hore ee Israa’iil Moshe Katsav, ayaa xabsi todobo sano ah bilaabay kaddib markii lagu helay in uu wax kufsaday.