Wasiirka Wershadaha oo ku biiray Wasiirrada Kala-taabacsan siyaasiyiinta ku loolamaya Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa si buuxda u taageeray murrashaxnimada madaxweynenimo ee Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ee lagu dooran doono shirka Golaha Dhexe ee la qabanayo 10-ka bisha soo socota ee November.

Wasiir Shucayb oo warbaahinta kula hadlay madaarka diyaaraha ee Hargeysa maanta, kadib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Holland, waxa uu sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi xaq badan ku leeyahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi darteedna aan cidna la barbar-dhigi karin.

abiibMd. Shucayb oo ka hadlaya baaxadda loollanka tartanka KULMIYE iyo sababta uu u taageeray Guddoomiyihiisa waxa uu yidhi, “Waxa soo dhaw shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo laga hadal hayo dal iyo dibadba, waxa laga hadlayaana waa culayska xisbigu leeyahay iyo ahmiyadda uu u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba inuu yahay xisbiga ugu awoodda badan oo muddadii shanta sanno ee uu hayey xilka dalka waxqabad badan ka qabtay, sidaa darteed, looma baqayo xisbiga.

Waxaan si buuxda u taageersanahay oo aan la qabaa go’aankii ay gaadheen dadka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u matalaya deegaannada Subulaha ilaa Saaxil, waxaynu dhisaynaa Guddoomiyaha xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waayo ummad waliba taariikh bay leedahay, waddankuna halgan dheer buu soo maray, halgankaasi dalku soo maray maalintii loo baahnaa in loo dhinto ama qoriga la qaato ninkii qaatay baa maantana xaq u leh oo aynu taageeraynaa.”

Waxa kaloo uu xusay in shacabka reer Somaliland oo abaalka gudi yaqaan ay ogyihiin cidda xaqa ku leh, sidaa darteedna aan loo baahnayn in cid kale lala tartansiiyo Muuse Biixi oo weliba baahida waddanku u qabaa joogto.

“Shacabka reer Somaliland waa dad garanaya abaalka uu qof u galo, markaa waxaan odhan lahaa in aan cidna la tartansiinayn maanta oo ay arkayaan cidda Qarankan iyo shacabka reer Somaliland-ba dan u ah, xaqna u leh runtii, annagoon dadka kalena ceebaynayn, laakiin waxaan soo jeedinayaa oo aannu taageersanahay oo hiil iyo hooba la garab-taaganahay inuu mujaahid Muuse Biixi Cabdi noqdo madaxweynaha mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland. In badan waxa lagu celceliyaa waddanku wuu dhaafay xilligii maxayga iyo xilligii…waddankani cadow badan oo dal iyo dibadba leh buu leeyahay, in la difaaco oo loo dhinto madax iyo mijo, qallinkuna shaqeeyo ayaan soo jeedinayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse.

‘Wasiirka Wershadaha Md Shuceyb Maxamed Muuse, ayaa noqday siyaasiga ama xubintii ugu dambaysay ee Golaha Wasiirrada xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo caddeeya mowqifkiisa ku aaddan taageerada murashaxiinta ku hirdamaya murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye kaddib marka uu madaxweyne Siilaanyo dhammeysto muddo-xileedkiisa, kuwaas oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo labadooduba wakhtigan ku guda-jira ololeyaal ay taageero ugu raadinayaan damacooda, maalmihii u dambeeyeyna loolankooda laga dareemay dalka iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo hore u shaaciyey inuu xisbiga Kulmiye gudihiisa uga tartami doona murashaxnimada madaxweyne kaddib muddo-xileedka Axmed Maxamed Siilaanyo.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa kala taabacsan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyaha Kulmiye, iyadoo maalmihii u dambeeyey munaasibado ay laba siyaasi taageeradooda ku muujinayeen lagu arkayey wasiirro ka qayb-galay oo u ololeynaya hanka murashaxnimada madaxweyne ee wasiirka iyo Guddoomiyaha.

SOMALILANDPOST.NET