Wasiirka Waxbarashadu Maxay Dhagaha Uga Furaysatay Kala Badalaaddii Jaamacada iyo Dugsiga Sare ee Gabiley?

Tan iyo intii jaamacada Timacadde laga hir galiyay gobolka Gabiley ayaa dadwayne faro badan oo reer Gabiley ah oo dunida dacaladeeda kala jooga  kasoo qayb qaatay dhismaha jaamacadaasi oo maanta maraysa sanadkii sadexaad ee ay socotay waxbarashadeedu.

badhasaabkii ugu horeeyay ee gobolka Gabiley ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii Gabiley jaamacad u yeelan lahayd, taasi ka timid rabitaanka shacabka reer Gabiley  iyo maamulkii Gobolka  dareemayey dhibaatada jaamacad la,aantu ku haystay guud ahaan deegaanka Gabiley.

Furitaanka Jaamacada ayaa waxaa door wayn kasoo ciyaaray Badhasaab Xabiib iyo Gudoomiyaha Jaamacada ee hadda jooga Cismaan Aw Yuusuf isagoo naf iyo maalba u huray sidii ay u socon lahayd jaamacadu, labadaa shakhsi  oo udub-dhexaad u ahaa hirgalinta iyo socodsiinta jaamacada.

Qurba jooga reer Gabiley oo ay ugu horeeyeen jaaliyada reer Somaliland ee wadanka Finland ayaa lacagtii ugu horeeyay kusoo deeqay ayaa sameeyay balanqaadyo faro badan wakhti badhasaabku kormeer ku maray dalal badan oo Europe iyo Maraykan ah, waxaanay bar bilaw u noqday deeqo faro badan oo qurbaha ka yimid  dalal kale oo Asia iyo Afrikaba ah, isla markaana suuro galiyay inay jaamacadu socoto.

Waxaa xusid mudan in badhasaabka hadda joogaa qoray warqad lagu kala badalayo taasi oo ay waraysiga maayarku muujinayso inay xukuumadu ka siman tahay baabiinta jaamacada oo reer Gabiley hiigsanayeen inay dhisaan isla markaan aduunka uga raadiyaan dhaqaale lagu horumarinayo.

Waxaan dhagaysan kari waayay waraysi ay maarka Degmada Gabiley Khadra Haji Gaydh siisay idaacada BBC-da kaasi oo ay ku sheegtay in dugsiga sare korayo jaamacaduna ay halkeedaa taagnaanayso ilaa io toban sanno oo danbe, taasi oo aniga shakhsiyan iila muuqatay inaanu Maayarku ahayn qof wax ka garanaya waxbarashada jaamacadaha iyo dugsiyada sare toona.

Waxaan ognahay in Jaamacadu sanadba sanadka kasii danbeeya ay korayso, taasi oo laga yaabo inay jaamacada sanadka ay ugu yar yihiin kusoo biiraan laba kuliyadood oo cuscusubi, taasi oo kuliyad kastaa u baahan tahay inta dugsiga sare ku fadhiyo in lee goo dhisme ah In loo dhiso, halka dugsiga sare ay isasoo gaadhayaan ardayda soo galaysa iyo kuwa kasii baxa. Markaa qofkasta oo caqli lihi wuu garanayaa labadoodu sida ay reer Gabiley ugu kala muhiimsan yihiin, laakiin dadka reer Gabiley horumarka kala dagaalamaya ee ay ka midka yihiin maamulka degmada iyo gobolka ee hadda jooga.

Dadka reer Gabiley ee horumarka jecel ayaa doonaya inay wax badan ka ogaadaan Sababta ay Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare marwo Zamzam Cabdi Aadan  uga gaabsatay isla markaana dhagaha uga furaysatay kala rarida labada goob waxbarasho ee jaamacada iyo Dusgsiga sare ee Gabiley.

Reer Gabiley waxay  aaminsanyihiin in wasiirka waxbarashadu karayso inay kala rarto iyadoo shaqadeedii gudanaysa laakiin ay arintani siyaasadaysan tahay oo xukuumadu diidan tahay in la taabtaabto  goobihii ay xukuumadii UDUB-tu  wax ka qabatay oo ay Gabiley ugu waa waynaayeen jaamacada iyo Dugsiga Sare.

Waxaa loo malaynayaa Wasiirku inay ka cabsanayso   kala rarto dugsiga sare iyo jaamacada iyadoo ay labaduba u baahan yihiin inay dhismayaal daruuri u ah socodka waxbarashadooda dhistaan, taasi oo midkastaa ka dhisan lahaa halka ay u guuraan, laakiin hadda waxaa istaagaya labada dhinacba dhismayaal lagu kordhin lahaa, baahiyo soo bixi lahaa iyo horumarintooda.

Jaamacada ayaa muhiim u ah guud ahaan dhaqdhaqaaqa horumarineed ee gobolka Gabiley, waxbadana ka badali doonta maamul jileeca iyo horumar la,aanta baahsan ee ku habsatay guud ahaan  ku habsatay gobolka iyo degmooyinkiisa intii xukuumada Siilaanyo la wareegtay talada dalka.

Ilaa iyo hadda dadka reer Gabiley waay is waydiinayaan sababta ay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare uga hawl gali laadahay iyadoo markasta oo ay Gabiley soo gaadhona ka gaabsata inay dhex gasho isla markaana ka hadasho muranka waxbarasho ee ka dhex taagan jaamacada iyo dugsiga sare oo labaduba ku yaala dhismayaal wasaaradu masuul uga tahay oo dawladu leedahay.

Waxaan ka codsanaynaa oo cod dheer kaga codsanaynaa Madaxwaynaha iyo Wasiirka Waxbarashada inay xal dag dag ah u helaan sidii loo dhamayn lahaa khilaafka soo kala dhex galay jaamacada iyo Dugsiga Sare oo mudooyinkii ugu danbeeyay la isku mari la,aa, taasi oo dhaxalsiisay inay jaamacadii dhaqaaqi waydo oo halkeedii taagnaato. Madaxwayne waxaan kuu dooranay inaad wax soo kordhiso ee kuumaanu dooran in codkayagu burbur ku keeno waxbarashadii, caafimaadkii iyo guud ahaan maamulkii gobolka iyo Degmada Gabiley. Guntii iyo Gabogabadii Horumarkii Gobolka Gabiley Cidna uma maqna ceela uma qodna.

Qalinkii Axmed-kayse Cumar Ibraahin.

Hargeisa Somaliland

ahmed_sudaysi@hotmail.com