Wasiirka Waxbarashada & Wefti ay Hoggaaminayso oo socdaal ku jooga magaalada Saylac iyo natiijada kulamo ay la yesheen maamulka gobolka iyo Degmada

Saylac, (SLpost)- Wefti balaadhan oo ay hogaaminayso Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo SamSam Cabdi Aadan oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye ,Agaasimayaal iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka ayaa Galabta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salal.

Weftigan wasiirrada ah ee ay horkacayso wasiirka wasaaradda Waxbarashada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay iyada oo duleedka magaalada ay kaga hortageen Maamulka Heer Gobol, Mid Degmo iyo Dadweyne aad u tiro badan.

Markii ay weftigu magaalada gaadheen waxay kulan is barasho ah la yeesheen madaxda dawlada ee gobolkaas iyadoo uu hadal kooban halkaasi ka jeediyay Duqa degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaatinka weftigan ka socda Xukuumada iyo Golayaasha qaranka .

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Salal Cali Alaale Rayaale ayaa weftiga ku soo dhaweeyay magaalada Saylac isla markaana sheegay in xaalada nabadgalyo iyo Nololeed ee deegaamada gobolkaasi ay aad u wanaagsan tahay.

La taliyaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Rashiid Cismaan Maxamed “Rashiid Lugay” oo ku hadlayay magaca weftiga ayaa u mahad celiyay maamulka iyo dadweynaha ku nool magaalada Saylac ee sida wadaniyada leh ugu soo dhaweeyay weftigan gobolka Salal.

Waxaana Maalinta Beri ah la filayaa in weftigu  si rasmi ah xadhiga uga jaraan Dugsiga Sare ee Boodhinka ah ee laga hirgaliyay Magaalada Saylac isla markaana la rajaynayo inay ka soo qayb galaan Wefti ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net