Wasiirka Waxbarashada Oo Wali Tahli Kari La’a Hirgalinta Manhajka Cusub Ee Uu Malaayiinka Doolar Ku Lunsaday Iyadoo Sanad Dugsiyeedkii Bilaabmay!

wasiirka-beeraha-somaliland-geedooleW/Q : Xasan Yuusuf Faarax

Wali waxa suurtu gali la’a hirgalinta iyo fidinta manhajka cusub iyadoo sanad dugsiyeedkii bilaabmay. Waxa uu jahawareer ka haystaa dhigista maadooyinka iyadoo la garan la’ayahay wixii isbedel ahaa ee la sameeyay. Inkasta oo ay jiraan noqolo softi copy ah oo ay haystaan iskuulada qaar balse gabi ahaanba ma jiro noqolo rasmi ah oo iskuulada loo qaybiyay iyadoo ay haatan ardaydii fadhiyaan iskuuladii balse laga sugayo wasaarada waxbarashada in ay keento noqoladii rasmigaa iyadoo aan wax tababara ah ama seminaara ah ama wacyi galinba la siin barayaasha iyo maamulayaasha uu isbedelkan manhajka khuseeyaa la siin. Waa qorshe qabyeedka wasaarada waxbarasha haysata. Waxay ahayd in wakhti badan la siiyo oo diyaar garow la siiyo oo siminaaro lagu fahansiiniyo isbedlada cusub ee lagu tayaynayo waxbarashada la qabto.

Balse waxay ay u muuqataa in wasiirku sidii awalba uu mashruucyada iskudaba marinayay uu tana jeebka ku shubtay.

Xukumada Siilaanyo ayaa u muuqata mid dalka ku sii macasaalaamaynasa hanta urursi, buub iyo kolba meel wax laga dayin oo ay ku ceeboobayso.

Mustaqbalka wasaaradan ayaa kolba mugdi iyo hoos u dhac ku sii socota iyadoo ay rajadeedo liidato.

Waa wasiir hadh iyo habeenba majlis iyo sheeko mirqaan ku soo qorsheeya maqaam uu qayilka u samaystay ee ku dhexyaala xarunta imtixaanaadka. Balse qorshayaashaasi ay kuwa ah hal bacaad lagu lisay marka ay beri gaadho.

Ilaaheey dalkan ha u soo saaro dadkii mustaqbalka ubadka iyo dhalinyarada ka shaqayn lahayd ee tahriibka ka badbaadin lahayd………..

Alla mahad leh…………………..