Hargeysa (SL.Post) Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere), ayaa shaqadii ka joojiyey Agaasimihii guud ee wasaaraddaas Abiib Axmed Cali.
Shaqo ka joojintan Wasiirku ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa la sheegay inay ka dembeysay amar diiddooyin uu kaga dhego adaygay oo Wasiirku faray, kuwaas oo fuli waayay ka dib markii uu is hor-taagay habsami u socodka hawl-maalmeedkii Wasaaradda.
Warar ayaa intaas ku daraya in masuuliyiin xogo-ogaal u ah Wasaaradda Waxbarashada ayaa tibaaxay in shalay Agaasimaha Abiib Axmed Cali markii loo dhiibay warqada shaqo ka joojinta taasoo sida xoguhu tibaaxayaan inay sii xoojisay khilaafka u dhexeeya Wasiirka waxbarashada iyo Agaasimaha guud
Somalilandpost.Hargeysa