Wasiirka Waxbarashada oo shaacisay Qorshe Xukuumaddu Xirfado Shaqo ugu Abuurayso Dhalinyarada

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa  sheegtay in Xukuumadu qorshaynayso sannadka cusub 2014-ka sidii ay ardayda  iyo dhalinyarada Somaliland ugu abuuri lahayd mashaariic yar-yar oo xirfadaha lagu shaqaysto ah, kuwaas oo sida ay wasiirku sheegtay loogu talo-galay inay qayb-qaadato xakamaynta tahriibta.

Marwo Samsam Cabdi Aadan oo doraato ka qayb-gashay Munaasibad loo sameeyey abaal-marinta la guddoonsinayey Ardaydii ugu sarraysay Nuuradiin Imtixaanii Shahaadiga ahaa oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay kaaf iyo kala-dheeri yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada u tahriibta Yurub iyo muuqaalka guud ee laga aaminsan yahay, waxaanay tidhi, “Waddanku waxa uu u baddan yahay dhalinyaro, haddana waxa inoo soo baxay dhalinyaro aad u wanaagsan. Tahriibka ayaa dhibaato inagu haya, taana Illahay wuu inaga saarayaa, waayo imika carruurtu way fahmeen Inanka yar ama Inanta yar ee  rafaadka kala kulanta magaalada ugu horeysa ee Malta iyo dalka Talyaniga. Markiiba Baabuur iyo aqal aanu garanayn cid leh ayuu isku soo sawira, markaasu soo dhigaa Face-buuga, Ilma waliba waxa uu moodayaa in meesha (qurbaha) markiiba laga helaayo alaabtaas, laakinse maaha runtii oo waddankeena (Somaliland) ayaa ka wanaagsan oo nimco badan ayaa taala, Illaahay waxa uu inagu kaalmeyn dhulka loo tagayo qaxoontiga inay innaga inoo yimaadaan.”

Samsam Cabdi AadanWasiirka waxa kale oo faahfaahin ka bixiyey mashaaric farsamo oo sannadka soo socda laga hirgelin doono Somaliland si ay qayb uga qaataan xakamaynta shaqo la’aanta haysata dhalinyarada dalka, waxaanay tidhi, “Sannadka cusub (2014-ka), waxaanu ku dedaalaynaa inaanu dhalinyarada u sameyno mashaariic yar-yar oo fara badan. waxa yaab leh oo aad la yaabi doontaan Nin Ingiriisa ayaa  inoo imanayaoo  dhalinteena baraya sida burcadka (Cheese), looga sameeyo caanaheena, sida Subageena loo lullo, waxa uu ka beeray meel u dhow magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska. Ninkan oo la yidhaahdo Hamish Wilson, waxa uu beertaas u bixiyey ´Degmo´waxa uu ka beeray Geed-Xabagii, waxa uu sameeyey hadhuudhkii, waxa uu caanaheeni ka sameeyay burcadkii, waxaanu maalin dhaweyd oo uu ii sheekaynayey ii sheegay inuu Subageenu noqday oo uu suuq yeeshay, dabadeedna waxaan doonayaa ayuu yidhi inaan Somaliland ka furro, oo waxaanu sanadkan ugu darnay miisaaniyadda, markaa waxa loo bixinayaa ´Degmo Somaliland ah,” ayey tidhi Wasiirka Waxbarashadu.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net