Wasiirka Waxbarashada oo Maamulka Jaamacaddaha Kula Dardaarmay in Waxbarashada Laga Daayo Baayac-mushtaraynta

 

Hargaysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Md Cabdillaahi Aadan Habbane ayaa ka hadlay tayadda waxbarashada Tacliinta sare iyo 18 sanno kadib halka ay marayso.

Wasiirka Waxbarashadda ayaa sheegay in loo baahan yahay wakhtigan Cilmi baadhis dheer oo ku saabsan heerka tacliinta sare ee Somaliland marayso iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Md Cabdillaahi Aadan Habbane waxa uu masuuliyiinta jaamacadaha ka codsaday in laga wada tashado sidii loo tayayn lahaa waxbarashada sare ee Somaliland.

“ 18 Sanno ka hor ayaynu furnay Jaamacad ilaa maanta way socdaan ,inaynu cilmi baadhis ku samayno weeyi maxaynu 18ka  inoo qabsoomay,dawlad xoogan oo cilmibaadhistaa samaysa ma lihin,laakin aynu wada tashano ayaynu kaga baxaynaa”ayuu yidhi Md Cabdillaahi Dheere.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare oo ka hadlayay kulan ku saabsan 18 sanno kadib heerka tacliinta sare ee Somaliland marayso,ayaa sheegay in waxbarashaddii dalka ay cidhiidhi galiyeen haayaddaha tirade badan ee ku shaqada leh Waxbarashada iyo dugsiyada sare oo manhajyo kala duwan sita.

“Waxbarashadii waxa cidhiidh galiyay haayadan yaryar (19 Hayadood ayaa ku xidhiidhsan waxbarashada) haddana wax muuqda oo waxbarashadii iska bedelayaa ma jiraan,dhinaca kalena dugsiyadii gaarka ahaa oo mid waliba manhaj gaar ah wato taasi ayaa xun ma lagu dhisi karaa qaran” ayuu yidhi Cabdillaahi Habbane

Md Cabdillaahi Habbane waxa uu Masuuliyiintii Jaamacadaha ee kulankaasi ka soo qayb galay kula dardaarmay in la ilaaliyo waxa loo dhigayo Ardayda Somaliland si qarankani u helo dad aqoonyahano jaamacadeed ah,waxaanu  sheegay in Tacliinta laga daayo baayac mushatariga.

“Yoolkeenu ha ahaado qaran mida oo hal manhaj leh laga bilaabo dugsiga hoose ilaa jaamacadda,qaar badan ayaa Manhajyo shisheeye sita,iib gayn ayay noqotay waxbarashadu, tacliinta aynu ka dayno baayac mushtaraynta,waa inaynu dhammaanteen wada shaqaynyo oo aynu ubadkeena u shaqaynayo” Md Cabdillaahi Dheere.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Md Cabdillaahi Dheere waxa uu sheegay in jaamacaduhu iska hubiyaan ardayda ay qaadanayaan inay ka soo baxeen dugsiga sare ee ay sitaan macluumaadkii looga baahnaa oo sax ah.

Isagoo masuuliyiinta Jaamacaddaha dalka u soo jeediyay inay jirto hal u jeedo oo loo marayo mustaqbalka caruurta Somaliland iyo waxbarashadooda.

“Waxa weeyi inaynu hal u jeedo yeelanyo inaynu hal dariiq u wada marno aayaha mustaqbalka caruurteena,nidaamka la raacayo waynu ka doodi doonaa.Ardayda soo galaya jaamacadda waa inuu haystaa shahaadadii dugsiga sare oo sax ah lix bilood ku hay xaruntaadda kadib ka koobiyayso.Haddii uu ardaygu yahay (D) waa inuu qaataa kooras lix bilood ah,arayda idiin imanaysaa ha sitaan macluumaadka looga baahnaa oo sax ah”ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Dheere

Wasiir Cabdillaahi Dheere waxa uu guddoomiyayaasha Jaamacadaha u soo jeediyay in Ardayda la baro inay Macalimiinta Jaamacaddaasi dhigaynaysaa yaqaanaan iyo heerka ay gaadhsiisan yihiin.

 “Waa la is fatashi oo ardayga soo galaya ayaa la eegi,macalinka ayaa la eegi,waa la kala shaandhayn midba mid ayay ka dheeree is leedaahay waar intaan garanayno aan Ardayda u gudbino oo ardaygu marka uu Jaamacadda ka soo baxo uu qori kara” Paper” waa inuu cilmi baadhis samayn karaa”ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland.

Wasiir Cabdillaahi Dheere ayaa guddoomiyayaasha Jaamacadaha ku wargaliyay in la is qiimayno doono isla markaan Jaamacadaha wanagsan iyo kuwa aan wanaagsanay ay kala sheegi doonaan.

“Aynu xaqiiqda wajahno oo intaan naqaano aan ardayda u dhigno inta kale wakhtigeeda ha la gaadho,aqoonta wixii aynu garanayno aynu gudbino.Annagu(Wasaaradda waxbarashadda) waxaanu odhanaynaa Jaamacadda qaldan way qaldan tahay dadkana waanu u sheegaynaa,tii saxsanna dadka waanu u sheegaynaa wanaageedana waanu sheegaynaa,Jaamacada waajibaadkeeda ka soo baxda waanu dhiirigalinaynaa,Ta xunna haddii aanu albaabada u laabi wayno waanu sheegi”ayuu yidhi Cabdillaahi Dheere.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare waxa uu masuuliyiinta hoggaamiya Jaamacadaha dalka u soo jeediyay inay wasaaradda waxbarashada ku xidhnaadaan isla markaana ay wasaaraddu ku gacan siin doonto wixii ay u baahdaan .Sidoo kalena waxa uu sheegay inay tayayndoonaan dugsiyada sare ee dalka.

“Waxaad la timaaddaan ayaynu ku wada shaqaynayanaa,waxaad la timaaddaan ayaanu idinku gacan siinaynaa,waanu taynyanaa dugsiyad sarenna ee idinkuna nala gacan qabta” ayuu yidhi Cabdillaahi dheere

Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyayaasha Jaamacaddaha dalka oo dhan ,kuwaasi oo ka hadlayay horumarka ay Tacliinta sare ee Somaliland ku talaabsatay mudadii 18ka sanno ahayd ee ay jirtay waaxdaasi.