Wasiirka Waxbarashada Oo Kulan Midnimada Tacliinta Somaliland Lagu Raadinayo La Yeeshay Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka waxbarashda Cabdilaahi Habane ayaa kulan la qaatay dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwaas oo uu u gudbiyay in wakhtigan loo baahan yahay inay xidhiidhka ay la leeyihiin wasaarada balaadhiyaan si loo sameeyo manhaj midaysan iyo wakhtiyada fasaxyada iyo imtaxaanaadka oo midaysan dalka oo dhan,

Waxa uu halkaas sida oo kale uga soo jeediyay dardaarano, waxaana kulankan uu la qaatay maamulada dugsiyada gaarka ah ku wahelinaayay masuuliyiinta wasaarada waxbarashada oo aan u kala hadhin, waxaan hadalkiisa ka mid ah “Marka ugu horaysa ama gaar aha ahaado ama ka dawliye waxaynu u adeegaynaa umadeena wasaaraduna waxay ka shaqaynaysaa waxbarasho ama ha sarayso ama ha hoosayso,waxaanu soo bandhigidoonaa oo gacanta lagu hayaa siyaasadii waxbarashada iyo manhajkii kaas ayaa inoo dan ah oo aynu falanqayn doonaa,maxyanu caruurteena baraynaa ama ku bar af Ingiliish ama cabarabiye ama Soomaaliye.”

Hargeysa Somalilandpost