Wasiirka Waxbarashada Oo Guddi U Saaray Soo Qiimaynta Tirada Guud Ee Ardayda Iyo Hantida Wasaaraddu Ku Leedahay Dalka

Haregysa, (SLpost)- Wasiirka wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Pro. Faarax Cilmi Geedoole oo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaaraddaasi ayaa ku dhawaaqay magacaabida guddi soo qiimayn doonta hantida ay wasaaraddaasi ku leedahay gobollada Somaliland iyo qaabka ay waxbarashadu uga socoto deegaannada kala duwan ee dalka.wasiirka beeraha

Wasiirka oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda waxbarashada waxa uu yidhi: “Maanta oo aynu sii sagootiyayno hawl-waddeennada wasaaradda ee soo ururinaya xogaha kala gedisan ee laga rabo barnaamijkan sahanka ah ee lagu soo marayo 1,138 dugsi oo hoose dhexe ah iyo 142 dugsi oo sare oo waddanka ku yaalla meel la dhaafayaa ma jirto waxa lasoo taabanayaa, xogo kala gedisan oo ka kooban ardayda dugsiyada dhigata tiradooda wiilal iyo gabdhaba, macalimiinat shaqaysa ee mushaharka qaadata, hantida ay dugsiyadu leeyihiin iyo dugsi kastaa inta fasal ee uu leeyahay.”

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa dhamaan macalimiinta iyo ardaydaba ugu baaqay inay si weyn uga qayb qaataan xuska 18-ka May ee ku beegan maalinta Isniinta.

Somalilandpost.net