Wasiirka Waxbarashada oo faahfaahiyey Baadhitaan Hanti-dhowrku ka wado Wasaaraddiisa iyo Khilaafka Dugsiyada Gaarka loo leeyahay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md Cismaan Jaamac Aadan, ayaa faahfaahin ka bixiyey Hawl-gallo baadhitaan ah oo Hantidhowrka Guud ee Qaranka muddooyinkii u dambeeyey ka waday Wasaaraddiisa.

Wasiirku waxa uu sheegay in baadhitaanku Hanti-dhowrku ku kooban yahay Xafiiska Xisaabaadka ee Wasaaradda, balse aanu ahayn mid lagu baadhayo Laamaha kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka oo saxaafaddu maanta weydiisay jiritaanka Hawl-gallada Baadhitaan ee Hanti-dhowrku ka bilaabay Wasaaraddiisa iyo in la furay Xafiisyo Hanti-dhowrku calaamadiyey inaan la furi karin muddada hawshooda baadhitaan ay dhammeysanayaan, waxa uu ku jawaabay, “Hanti-dhowrku baryahanba wasaaradda way fadhiyeen, maaha wax cusub, way dhammeysteen shaqadooda. Inyar oo u hadhsanayd ayay u joogaan. Xafiiska wasiirka ka ku xiga oo qaar xisaabiyeyaal ahi fadhiistaan, waan arkay waa lagu dhejiyey waraaqo, waraaqihii qaar waa la gooyey, laakiin halkii furuhu ku jiray lama jarin, iyaguna way arkeen oo way ku qanceen inaan xafiiskaas la furin,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cismaan Jaamac.

Dhinaca kale, Wasiirka Waxbarashadu waxa uu ka hadlay arrimaha lagaga hadlay iyo natiijada ka soo baxday kulan uu maanta la yeeshay Guddi ka tirsan Guurtida oo Guddoomiyaha Golahaas u saaray xal-u-raadinta khilaaf u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada Gaarka loo leeyahay.

Maamuleyaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay, ayaa Guurtida u gudbiyey Warqad cabasho ah oo ay kaga dalbanayaan xal-u-helista khilaaf soo kala dhex-galay Wasaaradda Waxbarashada oo Dugsiyaga gaarka loo leeyahay ku soo rogtay inay u hoggaansamaan Siyaasadda guud iyo Xeerka Waxbarashada Qaranka iyadoo sidoo kale dugsiyadaas laga reebay Deeqaha Waxbarasho heer Qaran oo sannadkan lagu soo koobay lana siiyey Dugsiyada Dowliga ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in kulanka dhexmaray Guddiga loo xil-saaray arrintan uu si guul ah ku soo dhammaaday isla markaana ay dhinacooda u sharraxeen siyaasadda guud ee Xeerka Waxbarashada heer Qaran iyo shuruudaha ku jira xeerkaas ee Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ka biyo-diideen.

“Waxaanu u ugu nimi si aanu ugu faahfaahinno xeerka waxbarashada Dowladda iyo ka gaarka loo leeyahay oo isku mid ah, si ay u ogaadaan oo macluumaad uga helaan guddigu. Waanu u sharraxnay, iyaguna su’aalo ayay naga weydiiyeen, waanu uga jawaabnay, arrintaasina halkaasay ku dhammaatay.”

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka uu Wasiirku kaga Hadlay labada Arrimood.