Wasiirka Waxbarashada oo Boorame si Xoog ah loogu soo Dhaweeyay Kana Qaybgalay Xaflad Loo Sameeyay Arday Caafimaadka Ka Baratay Jaamacadda Camuud

 

 

Boorame(SLpost)- Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habbane iyo wafti balaadhan oo uu  horkacayo ayaa maanta si weyn loogu dhaweeyay deegaanada Tulli, Dilla, Gorayacawl ilaa inta ay ka soo gaadhayeen magaalada Boorame.

Waxa soo dhawaynta wasiirka ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan, guddoomiyaha gobolka, maamulka waxbarashada ee gobolka, xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada iyo oday dhaqameed tiro badan. Xubno aad u tiro badan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan wasiirka cusub iyaga oo sheegay in uu yahay nin aqoon badan leh isla markaana karti u leh in uu ka soo baxo xilkaa loo xilsaaray. Wasiirku waxa uu sheegay in uu Boorame u yimid ka qaybgalka xaflad loo qabanayo arday ka qalinjabisay kuuliyadda caafimaad oo xaflad caawa loogu qabanayo magaalada Boorame.

 

Halkan Hoose ka Daawo Soo Dhawaynta Wasiirka oo Muuqaal ah: