Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Waa Halyey Qaran Oo Mudan In Loo Abaal Gudo! – W/Q: Yusuf Saalax Cawed

0 AA aadyusufWaxaan Ugu Horeyn Salaamayaa Guud ahaanba Saxaafada iyo Saxafiyiinta Somaliland Salaan Sharaf iyo qiimo badan kadib, qoraal iyo maqaal kasta oo cidi qortaaba waxa uu leeyahay ujeedo iyo hadaf gaar ah, waxaa xusid mudan maqaalkaygana aan ku iftiiminayaa hawlkarnimada, waxqabadka iyo xilkasnimada wasiirka hawlaha guud ee somaliland Mudane C/risaaq Khaliif uu qabtay mudadii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay talada haysey.Waxa wasiirku qayb libaax ka qaatay sidii bulshada reer Somaliland intooda waxtabanaysa iyo inta hadafyada kala gedisan aaminsanba ay wax ula qaybsan lahaayeen guud ahaan shacabka Somalilandna ay mid u ahaan lahaayeen, waa wasiirka keliya ee ku guuleystay gudashada waajibaadkii qarankani u igmaday iyadoo aynaan halkan kusoo koobi karin waxqabadka iyo dedaalka wasiirka hawlaha guud ayaan waxaan xusayaa ama isdultaagayaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee mudan in taariikhda lagu Xuso.Wasiir C/risaaq Khaliif waxa uu kaalin wax ku ool ah ka qaatay xalinta iyo turxaan bixinta labadii beelood ee walaalaha ah ee xurgyftu ku dhex martay deegaanka docosha taaso u suurtagashay inuu ka saaro meesha wax kastoo kolkii hore keenay iskudhaca iyo khilaafka.

Wasiirka waxaa sidoo kale lagu xasuusan doono u hagar bixidii dib u hagaajinta Warshada Laydhka oo uu mashiino Cusub usoo iibiyey dibna ukiciyey taaso bulshadu kaga baahi baxday dhibaatadii mudada badan ka haysatay mashiinadii gaboobay ee xukuumadaha dhawrka ahi kala dhaxleen.Wasiir C/risaaq Khaliif waxaa kaloo lagu xasuustaa oo aan marleyba ka bixi doonin maskaxda iyo maanka bulsho weynta reer Somaliland Garaadkii mudada badan dibad meerka ah uguna muhiimsanaa Garaadada Reer Sool kaaso uu wakhti badan u huray sidii uu somaliland usoo geli lahaa bulshada u hogaanka dhaqan u yahayna ay wax ula qaybsan lahaayeen walaalahooda reer Somaliland, taaso qayb ka ah dedaaladii wasiir C/risaaq u galay sidii Sool Iyo Sanaag bari ay uga tisqaadi lahayd maamul daadajin xaq iyo xuquuqba loo siman yahay.

Waxaan ugu Dambayntii kaga baxayaa wasiirka hawlaha guud waa masuul mudan in lagu maamuuso shahaado sharaf heer qaran ah oo uu ku mutaystay waxqabadka Xilkasnimada huwan.

Yusuf Saalax Cawed

Email: yusufsalax1980@gmail.com

Tell: 00252-63-4476279