Wasiirka Warshadaha oo Ka Warbixiyey Shir Uu Kala Qaybgalay Wasiirro Ka Socda Soomaaliya.

 

 

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga qayb galay shirka maalgashiga Somalia oo lagu qabtay dalka Holand. Shirkaasi waxaa dhaliilay saxaafadda Somaliland iyo mucaaradka kadib markii la arkay wasiir Shucayb oo dhex fadhiya wasiirka warshadaha Puntland iyo wasiirka warshadaha Somalia.

 

Wasiir Shucayb ayaa sheegay in si gaar ah loogu casuumay shirkaasi islamarkaana uu tagay isagoo matalaya qaranka Somaliland “ Afartii bisha ayaan ka soo baxay wadankeennii, anigoo soo maray itoobiya. Waxyaabaha aan u imid maxay ahaayeen?  Waxaan u imid shaqo dawladeed. Shakhsi ahaan uma iman ee anigoo qaranka Somaliland metelaya oo waxa dalkaygu u baahan yahay iibinaya oo fursadaha dalkayga soo bandhigaya, waxyaabaha la qaybsanayana inaan qaybtayda helo doonaya ayaan halkan wadamada Yurub u imid,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka ayaa ka sheekeeyay waraaqo ay is dhaafsadeen wasaaradda khaarajiga Somaliland iyo ururka shirkaasi qabanqaabiyay ee Spark “ Qolo la yidhaahdo Spark oo ka diwaangashan wadanka Netherland oo qaabilsan awoodsiinta iyo maalgalinta Qurbejoogta ayaa nasoo casuumay. Iyadoo aanu caalamka qaarkood fahmin waxaynu kala nahay Somalia iyo Somaliland, waxaa xusid mudan inay markii hore nagu soo casuumeen warqad ay ku qoran tahay wasiirada Soomaalida(Somali Ministers). Warqaddaasi markay xafiiskayga soo gaadhay waxaan u gudbiyay wasiirka khaarajiga. Maxamed Biixi markii aan qoraalka u geeyay waxaanu isla garanay inaanan shirka ka qayb galin.

 

Wasiirka khaarajigu warqad buu u qoray uu ku leeyahay shirkaa kama soo qayb galayno haddaydaan nagu soo casuumin Somaliland oo madax banaan. Intaas waxaa ka dambeeyay in qoladii Spark ay soo diraan warqad kale oo ay ku qoran tahay “Republic of Somaliland minister of foreign affairs” waxay markaa ka garaabeen rabitaanka shacabka Somaliland. Intaas kadib ayuu wasiirka arrimaha dibada Somaliland u diray warqad uu leeyahay haddii aad ogolaateen inaad Somaliland gaar u soo casuuntaan, waxaan ogolaaday in wasiirka warshadaha Somaliland yimaado shirkaas, sidaas baanan horta ku imid,” ayuu yidhi wasiirka warshadaha Somaliland.”

 

Wasiirka ayaa sheegay inuu shirkaasi ku bandhigay fursadaha ganacsi ee Somaliland iyo sidoo kale baahiyaha Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland waxyaabaha ay u baahan tahay in wax lagala qabto ay ka mid yihiin Laydhka oo qaali ah  iyo sidoo kale ammaanka.

 

Shirka Netherland ka dhacay ayaa la iskugu keenay Wasiirada ganacsiga iyo warshadaha Somaliland, Somalia iyo Puntland, waxaa kale oo ka qayb galay Qurbejoogta Soomaalida, ruggaha ganacsiga Soomaalida iyo daneeyeyaal kale. Waxaana kulankaasi lagu faaqidayay fursadaha dhulka Soomaalida ka bannaan ee ay maalgashan karaan qurbejoogta Soomaalida ee wadamada Yurub joogta.