Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo kulan la yeeshay Maamulka iyo shaqaalaha Radio Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Wacyigelinta JSL Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa kulan la yeeshay shaqaalaha ka hawl-gala Radio Hargaysa

Kulankan oo ku qabsoomay xarunta idaacadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha idaacadda Siciid Aadan Cige iyo isuduwaha barnaamijyada ee radio Hargaysa Khadar Maxamed Cakulle, waxaana wasiirku ku dhiirrigeliyey shaqaalaha idaacadda sidii ay uga midho dhalin lahaayeen hawsha warbaahineed ee ay umadda u hayaan, waxana uu wasiirku ku wargeliyey shaqaalaha in idaacadda weyn ay dhowaam hawsheedu bilaaban doonto, sidaas darteed shaqaalaha idaacadda looga baahan yahay inay u diyaargaroobaan xil culusna iska saaraan.

Mudane Boobe waxuu sheegay in weriyayaal iyo farsamoyaqaanaba looga fadhiyo sidii ay barnaamijyo tayo leh ugu gudbin lahaayeen bulshada reer Somaliland ee gudaha iyo dibadaba.

Wasiirku waxuu kula dardaarmay shaqaalaha inay aqoontooda kor u qaadaan oo waqtiga ka faa’iidaystaan, taasoo keeni doonta in qofka shaqaalaha ahi hanto mas’uuliyadiisa.

Agaasimaha idaacadda radio Hargaysa Mudane Siciid Aadan Cige oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa u soo jeediyey shaqaalaha idaacadda inay laban-laabaan shaqadooda maadaama ay idaacadii weynayd dhowaan shaqo gelayso, isagoo u ballanqaaday shaqaalaha inay waxii hawl fududayn ah ee ay u baahan yihiin ay maamul ahaan diyaar ula yihiin.

SLpost News/Hargeysa