Wasiirka Shaqada Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Shaaciyay Saddex Maalmood Oo Fasax Ah

Haregysa, (SLpost)- Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw-daahir Cali iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Maxamed Mixile Boqore ayaa si wada-jir ah u shaaciyay muddo saddex maalmood ah oo guud ahaan shaqaalaha dalku ay fasax noqon doonaan.Shaqaalaha

Masuuliyiintan oo maanta warbaahinta ku hadlay Hargeysa ayaa sheegay in maalinta sabtida ee bisha May ay tahay 16 ay beegan tahay xuska dheelmintii Nabi Maxamed (NNKHA), isla markaana ay shaqaaluhu guud ahaan fasax yihiin. Sidoo kale waxay sheegeen in maalinta axadda ee bishu tahay 17-ka May ay tahay maalin shaqo oo xafiisyada, gaar ahaan kuwa dawladda la imanayo. Waxa kale oo ay sheegeen in maalmaha 18-ka May iyo 19-ka May ay noqon doonaan maalmo fasax, maadaama loo dabaal-degayo xuska 24 guurada maalinta qaranimada Somaliland.

Ugu horeyn wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Dhamaan shaqaalaha dawladda iyo shaqaalaha gaarka ahba todobaadka soo socda waxay fasax noqon doonaan oo shaqada laga nasan doonaa maalinta sabtida ee bisha May tahay 16 oo ah maalintii micraajka Nabiga (NNKHA), maalinta 18-ka May iyo maalinta 19-ka May saddexdaa maalmood shaqaaluhu way nasan doonaan.”

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalah dawladda Maxamed Mixile Boqore oo isna ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa yidhi. “Maalinta sabtida waa fasax oo macraajkii, laakiin axadda shaqaalaha dawladdu way shaqeynayaan oo la imanayaa xafiisyada, sidoo kale waxa fasax ah 18-ka iyo 19-ka May oo loo dabaal-degayo xuska maalinta qarannimada. 20-ka bisha May oo arbaca ah shaqada ayaa lagu soo noqonayaa. Madaxda wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladda waxaanu ku wargelinaynaa maalinta axadda waa la imanayaa shaqada, maalinta fasaxu dhamaado ayaanu soo wada maraynaa hay’addaha dawladda si aanu u ogaano cidda aan soo shaqo tagin.”

Somalilandpost.net