Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo Ka Haday Shaqo La’aanta Dalka

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Cali Sandule ayaa ka hadlay shaqo la’aanta dalka ka jirta iyo shaqo abuur ay ku talo jiraan, waxa uu wasiirku sheegay in dalka ay mabnuuctahay inay shaqo ay muwaadiniintu qaban karaan ay qabtaan dadka ajaanibka ah.

Waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Shaqo abuur badan ayaanu wadnaa waxna waanunku guuaysanay waxna gacantaanu ku haynaa maanta maalin aan ahayna ayaanu faahfaahint idin siin doonaa, shaqada aanu haynaana waa ta ganacsataduna ay hayaan waanu ku boorinaynaa oo shaqo abuur ayaanu ku jirnaaa, waanuna ku guulaysan doonaa.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Shaqaaaha dibaduna waa naga mabnuuc inay daka ka qabtaan shaqo ay muwaadiniintu qabankaraan, sharcina waanu ka soo saaraynaa.”