Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Wakhtiga Hargeysi Ay Biyahu Wada Gaadhidoonaan

WASIIRKA-QORSHAYNTA

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka qorshaynta qaranka Cali Salaam Jirde (Cali Shoonbe), ayaa daboolka ka qaaday wakhtiga la filaayo in biyo balaadhinta Hargeysi ay soo gaadho magaalada isla markaasna dadku ay wada helaan biyo ku filan.

Waxa uu wasiirku sheegay in sanadkan cusub ee fooda inagu soo haya badhtankiisa ay Hargeysi heli doonto biyo ku filan, waxaanu sidan u sheegay waraysi uu siiyay tilifishanka HCTV, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Kolkii qolada farsamo yaqaanada ah aanu la tashnay ee aanu waraysanay ee hawsha gacanta ku haya waxay noo sheegeen inay hawshaasi ka dhamaanayso badhtamaha sanadka cusub iyada oo Jarmalkuna uu noqonaayo marshuuc garab socnaaya oo aan sugayn kan, taas oo qandaraaskeedii uu maraayo kala saaristii, shirkada la siiyaana ay bilaabayso sidii biyahaas loo qaybin lahaa, markaa insha allaahu badhtamaha sanadka danbe biyo waynu ka haqab beeli doonaa.”

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland