Wasiirka Qorshaynta Oo Tababar u Soo Xidhay Isuduwayaasha Laamaha Dawlada Ee Gobolka Awdal

Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee isla wasaaradaasi ayaa kulan sedex maalmood u socday madaxda laamaha dawlada ee gobolka Awdal ugu soo xidhay magaalada Boorama.

Kulankan oo uu xidhitaankiisa goobjoog ka ahaa badhasaabka Awdal iyo Maayarka Boorama ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd sidii loo jaangoyn lahaa qorsha sedexda sano ee soo socota ee Wasaaradaha Dawlada ee gobolka Awdal.

Agaasime Cabdirashiid Sumal oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa hubaal in qorshuhu yahay midka salka u ah hawlaha la qabanayo ee wasaardaha Dawlada, waxa noo farxad ah in kulamadan oo mudo soo taxnaa laga soo saaro bug ay ku dhan yihiin baahiyaha laamaha dawlada ee gobolka Awdal, sidaasi darteen waxa loo baahan yahay in loo hawl galo sii miisaaniyad loogu heli lahaa qorshan fulinteeda, taasi oo sedex dhinac oo mid yahay dadwaynaha, midna yahay dawlada dhexe midka sedexaadna uu yahay hayadaha caalamiga ah ka iman doonta”

Dr-Sacad-Cali-Shire

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed iyo Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi oo kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in laamaha dawlada ee gobolka Awdal loo sameeyo qorshe laga duulo oo ku salaysan waxqabadka laga filayo laamaha dawlada, sidaasi aawadeed waxay isuduwayaasha uu qorshahani quseeyo ay ku dardaareen in loo hawl galo fulinta qorshan.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyay qorshan, waxana uu tilmaamay in Wasaaradu ay dadaal ugu jirto sidii qorshe kaabaya kan hormarka guud ee dalka ay gabi ahaanba ugu samayn lahaateen wasaaradaha dawlada.

Wasiir Shire waxa uu ku booriyay madaxda laamaha Dawlada ee gobolka Awdal inay la yimaadaan dadaal iyo hawl karnimo ay kaga run sheegayaan ka midho dhalinta qorshahan sedexda sano ee kala ah 2014-2016 ee soo socda ee maanta ah humaaga, looguna rogi lahaa waxqabad muuqda oo dadka wax u tara.

Somalilandpost.net

Hargeysa