Wasiirka Qorshaynta oo faahfaahin ka bixiyey Meelaha lagu Horumarinayo 50 Milyan oo Midowga Yurub ugu Deeqay Somaliland

Dr Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa fahfaahin mashaariic horumarineed oo Midowga Yurub Somaliland ka caawinayo taas oo lagu shaaciyey socdaal ay dalka ku yimaaddeen wefti ka socda Midowga Yurub.

Dr. Sacad Cali Shire waxa uu kaga dhawaajiyey in Midowga Yurub uu Somaliland ku caawiyey lacag xaddigeedu dhan yahay 50 Milyan oo Yuuro, taas oo wax lagaga qabanayo dhinacyada Maamulka, Waxbarashada, Xoolaha, Beeraha iyo Kaluumaysiga

“Waddanka waxa yimi wefti ka kooban saddex xubnood oo ka socday Midowga Yurub, waxaana hogaaminayey Safiirka gaarka ah ee Midowga Yurub u jooga wadankii Soomaaliya. Waxa ay Somaliland ugu bushareeyeen lacag 50 Milyan oo Yuura ah, taas oo loogu talo galay mashariic horumarineed in Somaliland laga dar-dargaliyo,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray in, “50-ka Milyan waxa uu ka mid ahaa 158,000 Milyan oo Yuura ah oo ay ugu talo galeen dalkii la is ku odhan jiray Soomaaliya waxa la doonayaa in lacagtaasi lagu horumariyo Mashaariic; qayb ka mid ah xagga maamulka, Qaybina waxay la xidhiidha xagga nolosha, waxaana ka mid ah Xoolaha, Kalluumaysiga, beeraha iyo qayb ka mid ah tacliinta.”

Wasiirka Qorsheyntu waxa uu si gaar ah u sheegay adduunka lacageed ee Midowga Yurub ugu talo-galay dhinaca horumarinta tacliinta, “Waxay carabka ku dhufeen inay tacliinta ku tageerayaan lacag gaadhaysa 11 Milyan,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada qorshaynta Somaliland Dr. Cali Shire Sacad.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland