Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga

Riyadh (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Xasan Xaaji Cali iyo waftigii i uu hogaaminayo oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalka Sucuudiga, ayaa la kulmay mid ak mid ah qoyska boqortooyada Sucuudiga oo si meeqaam sare ah ugu qaabilay qasriga boqortooyada Sucudiga.

Amiir Cabdiraxmaan Bin Cabi Caziiz Aala Sucuud oo ay walaalo yihiin boqorka Sucuudiga Cabdalla bin Abdul Casiis, ayaa wasiir xirsi iyo xubnaha weftigiisa si meeqaam sare ah u qaabilay.

xirsi_sucuudi (4)Wasiir Xirsi Iyo Amiir Cabdiraxman, ayaa la sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha sidii dalka Sucuudigu cilaaqaad diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo durugsan ula yeelan lahaayeen Somaliland.

Ma jiro faahfaahin intaas oo ku saabsan waxyaabaha ay ka wada-hadleen wasiirka iyo Amiirka iska leh dhaxaltooyada boqortooyada Sucuudiga.

Wasiirka ayaa waxaa kulankan ku wehelinayay xiladhibaan Cabdilaahi balaki safiirka somaliland ee sacuudiga Cabdala Musa Kuwati iyo Wakiilka Somaliland Ee Makkah Safiir Ahmed Adan Dagaaal Safiina .

Wasiir Xirsi ayaa dhawaan socdaal ku gaadhay dalka Sucuudiga isaga oo kulamo la qaatay jaaliyadda Somaliland ee ku sugan oo uu kala hadlay sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen qaadhaanka dhismaha jid Laami ah oo isku xidhaya gobollada Togdheer iyo Sanaag.

xirsi_sucuudi (3) xirsi_sucuudi (2) xirsi_sucuudi (1)