Wasiirka Madaxtooyada Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Loo Dhisay

 

Hargeysa(SLpost)-Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaamisay islamarkaana ay soo agaasimeen taliska iyo saraakiisha ciidanka  Ilaalada madaxtooyada JSL  ayaa lagu qabtay  xarunta  qasriga madaxtooyada Somaliland, waxaana kasoo qeyb galay wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan ujeedadeenu daaranayd  xadhig ka jirista dhismayaal  cusub oo ciidanku samaysteen .

Ugu  horayn Waxaana halkaasi ka hadlay  taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada JSL gaashaanle sare Axmed Cali  Maygaag  kana war bixiyey  mudadii uu joogay waxqaabdkiisa isagoo xusay inuu  qabtay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhismayaasha cusub ee maanta xadhiga laga jaray  sidoo kale waxaa uu xusay taliyuhu beerta Wajaale oo ah beer u gaara oo ay leeyihiin  Ciidanka Madaxtooyada Somaliland laguna sameeyey dayactir balaadhan hadana ay lana manaafacaadsado wixii ka soo go’a beerta, iyadoo loo sameeyey dhismeyaal isugu jira laba qol oo ay degan yihiin ciidanku iyo istoodh weyn oo lagu kaydiyo wixii ka soo go’a beerta waxaana lagu caawiyey ciidankaasi gaadhi qabaala oo ku adeegtaan, Taliye Axmed ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay inay jiraan  dhismayaal badan oo laga hirgeliyey  Madaxtooyada Somaliland ayna leeyihiin Ciidanku waxaaana uu amaanteeda gacan qabashadeedaba usoo jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo uu sheegay inaanay la’aantii suura gasheen aadna ugu mahad celinayaan, sidoo kale waxaa uu sheegay inay ciidanku leeyihiin kala danyn  iyo nimaad ay raacaan iyadoo haybadooda iyo tabaradadooduba tahay mid aad u heer saraysa.

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji  Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  hanbalyo u diray Ciidanka Madaxtooyada  Somaliland oo uu ugu horeeyo Taliye Axmed Cali Maygaag, taliye ku xigeenka Ciidanka Cabdi Cismaan Ducaale iyo Saraakiisha kala duwan ee ciidanka soona dhaweeyey dhismayaashaasi loo dhisay ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waxqabadka iyo dedaalka balaadhan ee ay sameeyeen, Wasiirka ayaa sheegay dhankooda inay diyaar u yihiin wax la qabashada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo kor u qaadida Haybadooda ciidan.