Wasiirka Madaxtooyada oo Guddoomiye Xisbiga UCID ku tilmaamay Khaa’inul Waddan aan lagu Halleyn karin Qadiyadda Somaliland

Berbera (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa ku eedeeyay  Guddoomiyaha UCID inuu dalka khiyaameeyay maalintii uu London kula   kulmay  Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ayaa ku sifeeyey ka reebida Madaxweynuhu  Faysal Cali Waraabe ka  reebay Gudida Wada Hadalada uga qaybgalaya Somaliland in uu yahay nin Mabd’iisu cadayn isla markaana ku tilmaamay Kha’inul Wadan. sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL ayaa Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey in uu yahay nin dantiisa gaarka ku saleeya Qadiyada Somaliland isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yidhi ” Shalay waa la ogaa in Markii Wada Hadaladu Bilaabmeen Faysal lahaa waan ku Mudaharaadaynaa oo waa Khalad, markii lagu darayna yidhi waa sax oo waan taageersanahay, Maanta markii laga reebayna hadalo naxli ah Bulshada ku dhex abuuraya.” hadaladaas is daba marka ah oo Faysal inta badan caan ku yahay ayaa shaaca ka qaadaysa in Faysal yahay qof dantiisa uun ka hadla isla markaana iska hor iyo Dabo yimaada .

xirsiMd. Xirsi Cali Xaaji Xasan  oo daba socday  eedo uu shalay u jeediyay  Xukuumadda Faysal Cali Waraabe oo sheegay in laga reebay Gudidii wada hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Madaxweynaha ayaa qorsheeya  Guddiyadda baxaya ee Qaranka, Madaxweynuhu waxa uu u qorsheeyay inay sadexda Gole ka qeyb galaan. Waxa maraya Golihii Xukuumadda oo ay sadex Wasiir ka marayaan. Waxa kale oo maraya  Goleyaashii baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) oo ay sadex xubnood ka marayaan.”

Wasiir Xirsi waxa  uu Faysal ku eedeeyay Inuu lugooyo ku ahaa socdaaladii uu hore u raacay, waxaanu ku sifeeyay mid lugooyo uun kala hadhay , isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Faysal Taariikhdiisa waa la yaqaanaa, haddii uu na raaci jirayna lugooyo ayuu nala raaci jiray, haddii  uu  naga hadhayna lugooyo ayuu nagala hadhay.”

 “Waxa Macruuf ah maalintii uu khiyaameeyay wadanka waa la garanayaa, waa maalintii dhawayd ee isagoo ka mid ahaa Gudidii wada hadalada uu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay London, iyadoo aanu cidna uga fasax qaadan,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo maanta magaaladda Xeebta ku taalla ee Berbera  ugu waramayay Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da, xili  wefti uu xubin ka ahaa oo iskugu jiray Xukuumadda iyo Goleyaasha baarlamaanku ay u kicitimayeen dalka Turkiga oo lagu wado inuu todobaadka fooda inagu soo haya ay ka furmaan wajigii labaad ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ugu dhex maray dalka Turkiga.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha UCID  in uu Gudidii wada hadalada uu ka baydhay mudadii ay wada-hadaladu uga socdeen Somaliland Iyo Soomaaliya  Magaaladda Istanbul  ee wadanka Turkiga.

“Faysal waxa uu ahaa markii aanu Joognay Istanbuul  ninka kaliya ee Guddida ka baydhay markii la lahaa Madaxweyneyaashu ha saxeexaan, waxa uu ahaa ninka kaliya ee ka baydhay Gudiyada. Mar walbana waxa uu ahaa ninka kaliya ee lahaa yaanay Madaxweyneyaashu saxeexin ee Wasiirradu ha saxeexaan, dadkana waxa uu u sheegtaa inuu wadanka ilaalinayo,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Faysal Baasaboorka uu sitaa waa baasaboor ajanabi ah, Dastuurka  waxa ku taalla inaanu is sharixi Karin qof sita Baasaboor ajanabi ahi, waxa uu dhiibaa oo safaaradaha dhigaa waraaq uu leeyahay waan ka noqonayaa.kamana noqdo.”

 “Waxa kuu cadaynaysa Faysal inaanu bulshadda cidna kala socon ee uu maalin walba iska hadlo oo uu iska buuqo. Waxa kuu cadaynaysa Xisbigiisii UCID la odhan jiray mee waa kaligii xisbi. Faysal Waxaanu kala garan waynay inuu Annagga (Somaliland) Nala socdo  iyo Inuu Soomaaliya la socdo,”ayuu yidhi   Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan

Somalilandpost.net