Wasiirka Madaxtooyada oo faahfaahiyey Natiijada Shir dalka Turkiga ku dhexmaray Somaliland iyo Somaliya

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada shir isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda magaalada Ankara ee dalka Turkigu kula yeesheen Xubno ka socday dawladda Somaliya, kaas oo loogu gogol-xaadhayey ajandaha wada-hadallada u dhexeeya labada waddan oo la filayo inay dhowaan ka furmaan waddanka Turkiga.

xirsiWasiirka Madaxtooyada oo  gelinkii dambe ee maanta dalka ku soo laabtay ka dib muddo todobaad ah oo uu safar ugu maqnaa dalka Turkiga, waxa uu sheegay inay shirkaasi ku dhammaaday is-afgarad isla markaana ujeeddooyinkii ay ku tageen si habsami leh ugu soo dhammadeen.

Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu natiijada socdaalkiisa iyo waxyaabaha u soo qabsoomay ku faahfaahiyey qoraal uu ku baahiyey bogga uu Facebook-ga ku leeyahay, waxaanu ku yidhi qoraalkiisa, “Xukuumada Somaliland Marwalba Waxaa Ka Go’an Xaqiijinta Rabitaanka Shacabka Somaliland Oo Ku Dhisan Afti Shacab Iyo Rabitaan Umadeed.

Waxay ahayd abaaro Shantii galabnimo “5pm” Kadib markaan soo nabad gaadhay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Guud ahaan safarkan oo qaatay mudo todobaad ah ayaan ku joogay dalka Turkey-ga halkaas oo aan aniga iyo Wasiirka Arrimaha dibeda Jamhuuriyada Somaliland Mud, Maxamed Biixi Yoonis u tagney gogol xaadhka iyo samaynta Agende-yaasha Shirka wada hadalada dawladaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaliya .

Socdaalkan shaqo ayaa noogu soo dhamaaday si haboon isla markaana aan soo gaadhnay ujeedooyinkii aanu u tagney.

Sida aad la socotaan dawlada Turkey-gu waxay xil weyn iska saartay wada hadashiinta dawladaha Somaliland iyo Soomaliya si dawlad walba miiska u keento Masiirkeeda Mustaqbal .

Xukuumada Somaliland-na marwalba waxaa ka go’an xaqiijinta rabitaanka shacabka Somaliland oo ku dhisan afti shacab iyo rabitaan umadeed.”

SOMALILANADPOST.NET