Wasiirka Madaxtooyada oo Dhegax dhig iyo Xadhig-ka-jaris ku sameeyey 10 KM oo Xukuumaddu ku darsatay dhismaha Waddada Cad

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta xadhigga ka jaray 5 Kiilomitir oo ka mid ah dhismaha Waddada Cad ee oo Isku Xidhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley, waxaanu dhagax-dhigay 15 KM oo kale oo shan ka mid ah xukuumaddu hirgelinayso, halka tobanka kale ay iska kaashanayaan dadka deegaanku.

DSC00947Munaasibadda xadhig ka jarista 5-ta KM ee waddadaas oo Xukuumaddu hirgelisay, lagu qabtay deegaanka Toon ee Koonfur/Bari magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay wasiirrada Madaxtooyada, Warfaafinta, Wasiirul-dawlaha Madaxtooyada, Salaadiin, Xildhibaanno iyo Guddiga Gacanta ku haysa dhismaha waddadaas.

 

.