Wasiirka Macdanta oo ka jawaabay Eedaha Lunsiga Hantida Qaranka ee loo jeediyey kana gaabsaday inuu Caddeeyo sifaha ay ku baxday lacagta ($125,000) la isticmaalay

Hargeysa. (SLPost)- Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ayaa ka hadlay natiijada baadhistii uu Hanti-dhowrka isla markaana sheegay in wasiirka maaliyaddu ku deg-degay kiis eedayn ah oo aanu caddayntiisa haynin.

Wasiirka Macdanta Xuseen C. Ducaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa tafaasiil ka bixiyey sida eedaha loo soo jeediyey ku bilaabmeen, noocyada lacagaha heshiisyada shirkadaha shidaalku bixiyaan ee gala khasnada dawlada, sifaha lacagta lagu eedeeyey ku timi, balse wasiirku kama warbixin sifaha ay ku baxday 3 biloodow laba ka mid ah lacagta shirkadda laga qaaday.

Ugu horeyn, wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo sharaxaad ka bixinaya ujeedadiisa shirkaa jaraa’id ayaa sheegay, “Ujeedada shirkan jaraa’id ee maantu waa inaan ka jawaabo dhacdooyin lunsi hanti oo maalmahii u danbeeyey saxaafadu wax ka qoraysay iyo xilliga ay bilaabmatay, anigoo intii hore u hakiyey jawaabtayda ilaa hanti-dhowrkii Madaxweynuhu  igmaday baadhitaanka hantidaa natiijadiisa gudbinayo, anna markaa fikirkayga ka bixiyo dhacdadaa.”

Xuseen C. Ducaale, wasiirka Macdanta oo sharaxaad ka bixinaya sida lunsiga lacagaha lagu eedeeyey ku bilaabmatay ayaa yidhi, “Shirkii golaha wasiirada ee 15kii bishan, waxa I soo gaadhay in wasiirka Maaliyadu intuu Madaxweynaha JSL u tegay igu eedeeyey inaan anigu (wasiirka Macdanta iyo Biyahu) lunsaday lacag oo ku shubtay account aan gaar u leeyahay oo baanka BCCI dibeda ku leeyahay, waxa kaloo I soo gaadhay in wasiirka Maaliyadu lix wasiir oo diyaarinta miisaaniyadda kula jira u sheegay inaan lunsaday lacag, sidoo kale shirkii wasiirada ee ugu danbeeyey oo lagu naaqishaynayey heshiisyo wasaarada macdantu geysay, wasiirka maaliyadu waxuu sheegay inay muuqato lacag aan lunsaday, qadiyada hanta-dhowrku shalay soo afjarayna sidaa ayey ku timi oo Madaxweynaha JSL amray inuu baadhitaan ku soo sameeyo, natiijadii hanta-dhowrka u soo baxdayna idiinka warami maayo oo iyaga saxaafada u sheegay.”

Wasiirka Macdanta oo ka waramaya sifaha lacagaha ku dhaca khasnada dawlada ee laga qaado shirkadaha shidaalada ee heshiisyada lala galo, xilliga heshiisyadaa lala galay shirkadaha iyo noocii iyo sida loo isticmaalayey lacagahii ay ka heleen shirkadahaa ayaa yidhi, “Ugu horeyn waxaaan idiin cadeynayaa inaan wasaarada Macdanta iyo Biyahu wax heshiis cusub oo shirkadaha shidaalka ay la gashay muddadii aan joognay jirin. Keliya heshiisyadii xukuumadii hore aanu ka dhaxalay ayaan wax ka bedel ku samaynay si aan hawsha baadhitaanka shidaalada u dardar gelino. Marka heshiis cusub la galo waxa jira lacago ku qeexan heshiisyadaa oo khasnada dawlada ku dhaca, sida lacagaha Royalty, xaqul-qalin, sida waxa soo baxa loo kala qeybsanayo, waxa ka mid ah kiradii dhulkii ay qabsadeen. Waxa jira lacago aan badnayn oo heshiisyadaa aanu dhaxalay ku qeexan oo loogu talo galay in wasaarada macdanta lagu tayeeyo, oo wasaaradu kula shaqeyso farmadan ay gelayso shaqaalaheedu u diyaarsanaadaan. Lacagaha nooca ah ee (Capacity Building) maaha kuwo loogu talogalay inay ku dhacdo khasnada dawlada ee waa lacago wasaarada tayeynteeda lagu maaraynayo. Lacagahan saxaafadu ilaa malaayiinka gaadhsiisay waa lacago laba sannadood is-gaadhay oo 175,000 kun oo doolar ah, waxaanay ku soo dhacday baanka dhexe ee Somaliland account wasaarada uga furan, gudoomiyaha Baanka ayaa qabtay, wasiirkan idinla hadlaya account gaar ah oo u ku leeyahay baanka dhexe kuma dhicin, hawsha wasaaradu ku qabanaysana iyadaa u madaxbanaan. Waxay ku baxday iyo inta hadhsana hanta-dhowraha guud ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey.”

Wasiirka Macdanta ayaa sheegay inay nasiib daro tahay inuu wasiir dhigiisa ah ku eedeeyo lunsi hantida shacabka, isagoo aan u hayn cadeymo, oo maxkamad uu la tiigsan karo wasiirkaa keligii isku sifeeyo inuu daacad yahay, “Runtii waa nasiibdaro in lunsi hanti aan jirin igu eedeeyo wasiir dhigayga ah, waxaa wanaagsanayd in wasiirka Maaliyadu uu wax iga weydiiyo intaanu eedayda sheegin, ilaa xilligana waxba igamu weydiin, isagoo dhowr fagaare arrintaa ka sheegay. Masuul qaran markaad ku eedeysid lunsi hanti qaran, hadii eedahaagaasi xaqiiq noqon waayaan markaa adiga laftaada ayaa denbi ku jira oo maxkamad lagugula geli karaa.”

Waxay ay ahayd shalay markii uu Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku tafaasiil ka bixiyey qaddarka lacageed ee shirkadda laga qaaday isaga oo sheegay in lacagtaas dhammayd 175,000 Dollar haatan laga hayo 50,000 Dollar oo ka mid ah isla markaana badi lacagta inteedii kale ($125,000) ay isticmaashay wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu, manuu caddayn masuulkani sifaha lacagtaasi ku baxday, in kasta oo ay masuuliyaddiisa ahayd inuu ogaado meesha ay lacagtaasi ku baxday. Iyada oo taasi jirto, haddana wasiirka Macdanta iyo Biyuhu shirkiisa jaraa’id ku caddayn sida ay u isticmaaleen iyo adeegyada ay ku fuliyeen qaddarka lacagteed ee xaddigaas le’eg.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net