Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo Ka Warbixiyey Ujeeddada Shirar ka Dhacay Dalka Imaaraadka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Md Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa warbixiyey natiijada shir uu todobaadkii hore dalka Imaaraadka Carabta kaga qeyb galay kaas oo lagaga hadlayay sidii looga faa’iidaysan lahaa shiidaalka dalalka Bariga iyo badhtamaha Afrika.

Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta Madaarka Berbera ugu warramay warbaahinta ka dib markii uu ka soo laabtay socdaalkaas shaqo ee uu Dalka Imaaraadka ku tagay, waxa uu yidhi,  “Runtii shirkaasi waxa uu ku saabsanaa xog-waran iyo aqoon iswaydaarsi ku saabsan arrimaha shidaalka ama gaas ha noqoto ama batrool marka laga tago dalalka Carabta oo si weyn loo danaynayo mustaqbalka soo socda Bariga Afrika oo aad mooddo dalalka Carabta inay doonayaan inay si fiican u ogaadaan uguna xidhmaan isla markaana ula shaqeeyaan shidaallada imika ka bilaabmay soo saarkooda ama ka soo socda Bariga afrika

Waxay noo ahayd farxad weyn in Somaliland ku guulaysato inay hesho marti-qaadka shirkaasi oo aanay helin dalal badan, dalalka bariga afrika waxa kaliya oo laga soo casuumay Somaliland, Mozanbique,Tanzania, Burundi iyo koonfurta Suudaan,”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.

Wasiirku  waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay ahmiyadda ay magaalada Berbera u leedahay shidaal-dhoofinta wadammadda jaarka ee bad lahayn, waxaanu ka hadlay fursaddii loo siiyey inuu Shirkaas hadal ka jeediyo, “Waxa ii suurto-galay inaan shirkaas khudbad ka jeediyo una bandhigay mustaqbalkeena shidaalka ku saabsan iyo istaraatajiyadda wadankeenu leeyahay khaasatan magaaladda Berbera oo aan u bandhigay adduun-weynaha inay noqon karto meel shidaalka wadankeena laga dhoofiyo oo kaliya balse ay albaab u noqon karto wadamada bariga afrika ee aan xeeb lahayn sida Itoobiya, Koonfurta Suudaan oo soo saarista shidaal mustaqbalka laga bilaabi doono,” ayuu yidhi Md Xuseen Cabdi Ducaale.

Wasiirka Wasaarada Macdanta Biyaha Iyo Tamarta, waxa kale oo uu ka warramay kulan ay dalka Imaaraadka ku yeesheen wefti ka socday xukuumadda Somaliland iyo xubno ka mid ah Wasiirrada Imaaraadka carabta, waxaanu yidhi, “Markii shirkaasi ii dhamaaday, waxa nagu soo biiray wefti rasmiya oo uu madaxwaynuhu soo diray oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka wasaarada Madaxytooyada Xirsi X. Cali Xasan iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-Xoor oo u yimid halkaas inay ka qayb galaan shir lagaga hadlayay horumarinta Dekedaha Berbera waxaanay wada hadallo ku yeesheen Dubai oo aan aniguna kala qeyb galay.”

SOMALILANDPOST.NET