Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Cadeeyay In Uu Musharaxa Madaxweynaha Utaagan Yahay Madaxeyne Siilaanyo Dabadii

Hargeysa(SLPOST) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu Horraysay Si cad u sheegay inuu Yahay Musharrax u taagan Madaxtinimada Dalka, balse kaliya ay ka Hor taagan tahay Madaxtinimada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Xilligani .

cccc10

Wasiir Samaale oo  shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaraddiisa, ayaa tilmaamay in Marka uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhergo kursiga Dalka looga Taliyo uu isagu noqon doono Musharax u taagan Madaxtinimada Dalka, waxaana uu intaas ku daray inuu Haatan Ixtiraamka Madaxweynaha Dartii aanu u ahayn Musharax xilligan la Joogo.

“Anigu Laga Bilaabo Maalinta u Madaxweyne Siilaanyo Haakah(Ka Dhergo) kursiga Madaxweynenimada Musharrax Baan ahay, Muuse Biixina waan u daayey Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye.” Ayuu yidhi Wasiir Samaale oo Saxaafadda la Hadlayey.

Wasiir Samaale ayaa in Badan ku dheggenaa inuu Noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxaana uu Hankiisu caqabad ku ahaa Dib u dhacyo iyo muran in badan ku dhex jirey Xisbiga Kulmiye oo sababay in shirarkii xisbigu wakhtigii loo qoondeeyey dib uga dhacaan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland