Wasiirka Maaliyadda Oo Xil-qaadis Iyo Magacaabis Ku Samaysay Masuuliyiinta Kastamada Kala-baydh Iyo Abaarso

Hargeysa, (SLP)- Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah masuuliyiinta kastamada Kala-baydh iyo Abaarso.Wasiirka Maaliyadda

Wasiirku iyada oo ka duulaysa siyaasadda dhaqaalaha ee Somaliland, isla markaana todobaadadii dhawaa bilawday olole cashuur ururin, waxay isbedel ku samaysay qaar ka mid ah maamuleyaasha kastamada Kala-baydh iyo Abaarso, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimi dhaqaalihii kaso xeroon jiray.

Inkastoo aanu war rasmi ahi kasoo bixin wasaaradda maaliyada, haddana ilo wareedyo ku dhaw wasaaraddaas ayaa sheegaya in wasiirku shalay xil ka qaadista ku samaysan maamuleyaashan.

Wasiirku waxay maamulaha kastamada         Abaarso ee checkin-ka u magacawday Maxamed Ismaaciil Organ-saynle, halka maamulaha kastamka Kala  -baydh Axmed Gaaxnuug Cali, halka y ku-xigeenka maamulaha kastamka u magacawday Cabdi Muuse.

Somalilandpost.net