Wasiirka Maaliyadda oo shaacisay Kharashaad laga dhimay hay’adaha dowladda iyo Sababta keentay

Hargaysa (SLpost)-  Wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay  in dakhliga ilaha Dhaqaale ee hay’adaha dawladu uu kor u kacay, isla markaana lacago loo isticmaali jiray meelo aan loo baahnayn laga joojisay wasaaradaha iyo hay’adihii isticmaali jiray, in kasta oo ay xustay in lagu jiro aanu wanaagsanayn wax-soo-saarka dakhliga dowladda.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay meesha ka saartay in heerka dakhliga ee wax-soosaarka hay’adaha dhakhligu hoos u dhac ku yimi, iyada oo hadal-haynta arrintan u nisbaysay xakamaynta lagu sameeyey kharashaadka hay’adaha dalka qaarkood.

Samsam Cabdi Aadan “iyadoo imika lagu jiro wakhtigii uu dakhligu hoosayn lahaa, haddana imika kor ayuu u kacay oo  lacag intaa le’eg oo Dollar ah suuqa maanaan soo gelin karneen haddii aanu dakhligu kor u kicin. Waxa kale oo aanu haynaa mushaharka 4 bilood oo shaqaalaha. Markaa dakhli hoos u dhacay ma jiro. Lacago loo isticmaali jiray meelo aan loo baahnayn, waanu xakamaynay. Markaa meelahaasi way odhanayaan dakhligi wuu yaraaday, laakiin waa wax muuqda sida uu dakhligu u kordhay, waana la arki karaa,” ayay tidhi wasiir Samsam oo maanta u warrantay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Waxay ku dooday wasiirku in lacagta kharashaadka ah ee ay ka jartay wasaaradaha dawladda qaarkood  ay kala tashatay  masuuliyiinta hay’adahaasi, isla markaana aanay lacagahaasi dhamaanba ka wada jarin, hase yeeshee laga dhimay intii markii hore loo qorsheeyay.

“Wax aad ah kamaan jarin, laakiin waan la tashanay, waayo wasaaraduhu iyaguba way garanayaan marka miisaaniaydda la samaynayo, miisaaniyaduna waa odoros, mid waliba waxay is odhanaysaa wax iskaga darso, mid walibana way og tahay waxa mudnaanta  u ah, dadkuna waa dad wadanka wada danaynaya oo ka wada shaqaynaya,” ayey tidhi Marwo Samsam.

Waxa ay Marwo Samsam intaas sii raacisay, “Markaa wasaaradaha waanu ka wada tashanay, waxyaabaha aan aadka loogu baahnayn ee aan daruuriyaadka ahayn  ee miisaaniyadda ku jira meelaha qaar waa la yareeyay,  laakiin dakhligu meel fiican oo aad u wanaagsan ayuu marayaa. Waxaanu rejo waynahay in aanay waxba iska dhimi doonin dakhliga dawladda sidii qorshuhu  ahaa ayuu noqonayaa,” ayey tidhi Marwo Samsam.

SOMALILANDPOST.NET