Wasiirka Maaliyadda oo kormeer kedis ah ku galaa-bixiyey goobaha Dakhli-ururinta ee gobolka Awdal

Boorame, 08 November, 2011 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.
Kormeerkaas Wasiirka oo ahaa mid kedis ah ayaa markii uu Boorame gaadhay waxa uu kulan la yeeshay Masuuliyiinta Kastamka, Waaxda Cashuuraha iyo Badhasaabka Awdal. Wasiirku wuxuu sheegay in socdaalkiisa uu ku soo kormeeray Xafiisyada Kastamada Dila iyo Boorame, isla amarkaana waxa uu xusay inuu Masuuliyiinta laamahaas iyo Badhasaabka Gobolka uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa ilaha dakhliga, isla markaana loo qaban lahaa adeegyada kale ee ay dadku u baahan yihiin.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi waxa kale oo uu sheegay inay xoojinayaan tayada iyo tacliinta shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda Maaliyadda laamaheeda ku sugan Boorama si ay u hirgasho in dakhligu kobco. Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in Badhasaabka Gobolka Awdal ay ka wadahadli doonaan sidii loogu gogol xaadhi lahaa shirar ay la yeelanayaan Badhasaabyada gobollada, isla markaana loo diiwaangelin lahaa goobaha kale ee ay Xukuumaddu dakhli ka heli karto ee dalkana wax ku soo kordhinaya.

Socdaalka Wasiirka ayaa qaatay hal maalin (shalay) oo qudha waana kii u horreeyay ee uu ku tago Boorame tan iyo intii uu xilka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland hayay. Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi oo markii uu xilka wakhti kooban hayey shaaca ka qaaday inuu smeeyey dakhli kordhin boqolkiiba konton ka badan, ayaa dhawaanahan waxa la sheegaa inay arrintaasi socon weyday, isla markaana hoos u dhac badan oo dhinaca dakhliga ahi soo food-saaray Wasaaradda Maaliyadda, inkasta oo uu isagu ku celceliyo inuu wax badan kordhiyey intii uu joogay, haddana xattaa sida ay Hay’adaha dawladda oo kharashaadkii ay ku hawlgali jireen uu dhimay Wasiirka Maaliyaddu ay dareemayaan culays badan oo dhaqaale.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net