Wasiirka Maaliyadda oo ka xog-warramay Korodhka Dakhliga Dalka muddadii uu xilka hayay

Kalabadheyd (SLpost)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale,oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kormeer shaqo maanta ku soo maray kastamka Kala baydh,kaas oo la xidhiidha dardar gelinta hawlaha dekhli ururineed ee Wasaaradu u xilsaaran tahay.

Wasiirka wasaarada maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlay safarka uu ku tagay kastamka Kala baydh iyo ujeedada ka danbaysa ayaa sheegay inuu la xidhiidho sidii uu ula socon  lahaa hawlaha kastamka isla markaana kor loogu qaadi lahaa dakhliga kastamkaas isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo hantida umada, Waxaa kale oo Wasiirka Maaliyadu hoosta ka xariiqay in dakhliga ka soo xeroon jiray kastamada dalka uu kor u kacay. isagoo rajo ka muujiyey qaabka hawsha kastamadu u socoto xiligan,Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Kastamadu ay yihiin goobaha boqolkiiba 80% uu ka yimaado dhaqaalaha dalku.

Waxaa kale oo Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale isbarbar dhig uu ku sameeyay bishan bisheedii dekhligii ka soo xerooday kastamka kala baydh ,waxaanu qiray in ku talo galkoodii miisaaniyada uu mid ka badan soo xereeyay kastamka kala baydh sannadkan aynu ku guda jirno.

Kor meerka wasiirka maaliyadu ku tagay kastamka kala baydh ayaa qayb ka ah dedaalka ay wasaarada maaliyadu ugu jirto kobcinta dhaqaalaha dalka iyo xisaabaadka ay wasaaradu ka wado gudaheeda si loo daryeelo hantida umada.

Mudane Samaale waxa uu ammaan balaadhan u soo jeediyay Maamulka,Shaqaalaha, Ciidamada,iyo hawl wadeenada kale ee kala shaqeeya dekhli soo saarka oo uu ku amaanay dadaalka xoogan ee ay muujiyeen iyo sida ay isugu xilqaameen in ay dardar geliyaan cashuuraha ay soo xereeyaan waxaa kale oo uu mahadnaq u diray Ganacsatada Jaadka oo si wanaagsan u bixiya wixii cashuuro ah ee ku waajibay isla markaana meesha ka saaray dhaqamo wakhtigii hore lagu nusqaamin jiray hawl galada dekhli soo saar ee wasaarada maaliyadu qaranka uga mas’uulka tahay.

Wasiirka waxaa kormeerkan ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada,iyo  masuuliyiin ka tirsan  wasaaradiisa,iyagoo warbixin ka dhagaystay Maamulaha Kastamka Kalabaydh Cabdirisaaq Xaaji Cumar.

SomalilandPost.com

Hargeysa, Somaliland