Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Warbixisay Nidaam Dib Loogu Habaynayo Dakhliga Dalka

Hargeysa, (SLP)- Masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa kulan la qaatay shirkad ka shaqayn doonta dibu habaynta nidaamka maaliyadda Somaliland.Wasiirka Maaliyadda

Kulankan oo wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ku wehelinayay wasiiru-dawlaha wasaaraddaas Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaraddaas.

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa kulankaas ka dib warbaahinta uga warrantay waxyaabihii ay kaga  wada hadleen shirkada fulin doonta nidaamka dibu habaynta maaliyadda Somaliland, waxaanay tidhi. “Waxaanu maanta la kulanay shirkaddii ku guulaysatay nidaamkan maaliyaddeed aanu dibu habaynta ku wadno (Puplic Finance reform), shirkaddan oo Ingiriis ah, isla markaana hawshan dibu habaynta fulin doonta ayaa waxaanu ka wada tashanaynay qaabka ay hawsha u qabanayaan, waqtiga ay qabanayaan iyo annaga dawlad ahaan danta noogu jirta iyo inaanu is-waafajino waqtiga ay hawsha ku qabanayaan iyo anaga sida ay dantu noogu jirto, balse aanay noqon waddamadii hore ee Afrika ee ay kasoo shaqeeyeen nidaamkoodii aanay tan Somaliland-na ku wadin, markaa waxaanu isla afgaranay, iyagoo ay goob-joog ka ahaayeen ciddii hawshan lacagta ku bixinaysay oo Ingiriis ah, ahmiyada ay Somaliland u leedahay in loo sameeyo nidaam dibu habayneed oo dhinaca maaliyadda ah,” ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Wasiirka oo ka hadlaysay qodobbada ugu waaweyn ee ay doonayeen isla af-gartaan shirkada fulinaysa nidaamkan dibu haybayneed ee dhinaca maaliyadda ayaa waxay tidhi. “Waxaynu nahay waddan isagu keligii wax qabadsada oo aan helin mucaawinooyin dibaddeed, balse cashuurta uu dadkiisa ka helo uun wax ku wada. Sidaa darteed waxaanu ka wada-hadlaynay inay shirkaddu qaabkaas waafajiso oo aanay wax ina yeelin dibu habayntani, wax ay inoo soo kordhiso mooyee.”

Somalilandpost.net