Wasiirka Maaliyadda oo Isbeddelkii ugu ballaadhnaa ku sameeyey Maamulayaasha Kastamada Dalka oo Intoodii Badneyd xilalka laga qaaday

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa wareegto uu maanta soo saaray Isku-beddel iyo magacaabis cusub ku sameeyey maamuleyaasha qaar ka mid ah Kastamada Cashuuraha ee Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo wareegtadan soo saaray maanta Abbaaro 11:00 Barqanimo, waxa uu isku beddel ku sameeyey maamuleyaasha Kastamaha dalka halka uu sidoo kale xilalka ka qaaday qaar ka mid ah madaxda kastamada kuwaas oo uu beddelkooda u magacaaba maamuleyaal cusub.

SamaaleWareegtada Wasiirku soo saaray, waxa ay siyaabo kala duwan u saamaysay Kastamada Caasacaddo, Saylac, Boorama, Kala-Baydh, Balligubadle, Laascaanood, Ceerigaabo, Beer iyo Burco.

In kasta oo aanay noo suurto-gelin inaanu helno Wareegtada Wasiirka ee isku-beddelka iyo magacaabista cusub xambaarsan, balse ilo-wareedyo Somalilandpost soo xiganayso, ayaa xaqiijiyey in xilalka laga qaaday Maamuleyaashii Kastamada Balligubadle, Ceerigaabo, Burco, Kala-baydh, Laascaanood, kuwaas oo dhammaantood loo magacabay Masuuliyiin Cusub.

Sidoo kale, warku waxa uu intaas ku daray in Maamulihii Kastamka Boorama loo beddelay Kastamka Kala-baydh, Maamulihii Kastamka Saylac-na loo beddela Kastamka Burco, halka sidoo kale Maamulihii Kastamka Beer loo magacaabay Maamulaha Cusub ee Kastamka Balligubadle.

Wareegtadan ka soo baxday Wasiirka Maaliyadda Somailand, ayaa noqonaysa Isbeddelkii ugu ballaadhnaa ee Wasiir Samaale ku sameeyo Maamuleyaasha kastamada dalka, waxaanay noqonaysaa markii saddexaad ee wasiirku isbeddel ku sameeyo Madaxda Kastamada Cashuuraha Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net