Wasiirka Khaarijiga Somaliland Iyo Weftigiisii Oo Lagu Qaabilay Xafiiska Raysal Wasraaraha Masar

Qaahira, (SLpost)- Waftigii ka socdaa xukuumadda Somaliland ee uu hpgaaminayay wasiirka Arrimahqa Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigi, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ee la socday wasiirka Madaxtooyadu, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta lagu qaabilaya qasriga Raysal wasaaraha xukuumadda cususb ee Masar ee ku yaalla magaalada Qaahira. Waxaa wafiga wasiirada Somaliland halkaa ku qaabilay wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Masar, Marwo Faysa Abul Nagga iyo masuuliyiin ay hogaaminaysay oo ay ka mid yihin wasiir ku xigeenno iyo diblamasiyiin.

Kulankan waxay labada geesood kawada hadleen arrimo ay ka mid yihin xidhiidh cusub oo leh dhinacayo badan oo dhex mara labada dal ee Masar iyo Somaliland. Waxayna si gar ah u taabteen iskaashiyo la xidhiidha xagga dhoofka xoolaha, iskaashiga caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha. Waxay kaloo kawada hadleen tababarada hay’adaha nabadgalyada dalka iyo farsamada gacanta.

Waa markii ugu horaysa ee labada dal ay wadahadalo dawli oo noocan oo kale ay wada yeeshaan tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda.

Waxaa kale oo uu waftiga Somaliland kulan la yeeshay Ururka Jaamcadda Carabta oo ku martiqaaday xaruntooda magaalada Qaahira. Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in wadashayqan cusub ay wada yeeshaan Somaliland iyo ururka Jaamacada Carabtu.

Waxaa waftiga oo caawa ka dhoofaya magaalada Qaahira sii dhawaynaya madax ka tirsan golaha cusub ee xukuumadda Masar. Waxaana la rajaynayaa in kulamo kale ay dhawaan ku balan san yihiin labada dal ay dhawaan dhici doonaa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net