Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo maanta Hortagay Golaha Guurtida iyo Nuxurka Khudbad uu Golaha ka Jeediyey

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta warbixin dheer oo ku saabsan siyaasadda dibada ka jeediyay fadhigii Golaha Guurtida.

Wasiirka Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar,waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay siyaasada arrimaha dibada, waxaanu yidhi “Aniga Maanta waxay ii tahay sharaf iyo farxad inaan hor imaado Golaha sharafta leh ee Guurtida oo qarankan sharaf ka mudan duniduna ay ogtahay waxtarka iyo kaalinta uu kaga jiro qaran dhiskii Somaliland, ilaa imikana kaga jiro. Shirkanna anigaa dalbaday si aynu tallo wadaag uga yeelano arrinta aynu qaranka u wada hayno.”

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu ka hadlay qodobada gun dhiga u ah siyaasadda dibada waxaanu yidhi “Ujeedada ugu weyn ee qarankani leeyahay ee siyaasadda arrimaha dibadda hagaysaa waxa weeye laba qodob, qodob waxa weeye inaynu noqono dal iyo ummad xubin buuxda ka ah dunidda, ta labaadna waa inaynu la yeelano iskaashi dhinacyo badan leh dunida aynu ka tirsan nahay, haddii ay tahay dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo nabadgelyadaba. Shacbiga Somaliland waxay 2001-dii ay afti ay sameeyeen ku cadeeyeen inay noqdaan dal madax banaanidiisa iyo qaranimadiisu u tahay wax gaar ah, madax banaanida Somaliland waa go’aan shacbi oo aanay cidina ka gudbi karayn, Goleyaasha qaranka iyo xukuumadaha isbedelaya intuba waxay ku shaqeynayaan oo ay ka shiidaal qaadanayaan go’aankaasi shacbiga, waxase la gudboon in laga midho dhaliyo oo loo hawl galo oo loo dagaalamo.”

Wasiirka Arrimaha dibadu wuxuu sheegay inaanay jirin xukuumadda Somaliland cid uga lexjeclo badan ilaalinta masiirka ummadda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxyaabaha ugu weyn ee xukuumaddan loo doortay waxa ka mid ah inay ka midho dhaliso go’aanka shacbiga iyo qadiyada dalka, Somaliland maanta talladeeda waxa gadhwadeen ka ah Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka mid ah raggii ugu magaca dheeraa halgankii dalka loo soo maray isaga ayay gacantiisa ku jirtaa ma jirto cid uga lexjecelo badan dalka. Markii ay xukuumaddani tallada dalka ku guulaysatay, waxaanu qiimayn ku sameysay xidhiidhka aynu la leenahay iyo siyaasadda khaarajiga ee Somaliland, waxaanu qiimeynay jidka loo marayo. Waxaanu garanay in dardar gelin lagu sameeyo xidhiidhka aynu caalamka la lahayn oo aan hore aad ugu adkayn, waxa noo muuqatay in loo baahan yahay dariiqyo cusub oo loo baahan inaynu qadiyadeenna u marno.”

“Duniddu way ka dheregsan tahay Somaliland, sidaasi darteed waxaanu ka doonaynaa duniddu inaanay iska indho tirin rabitaanka Somaliland, waxaanu leenahay dunidu ha qiimayso dareenkayaga iyo rabitaankayaga oo ha nagu abaal mariso in dalkan nabadoon la ictiraafo, dunidu ku shaqayso waxa ummaddi ama dal doonayo ee waxay ku shaqaysaa masaalixaad (danno) isku wada xidh xidhan in laga wada hadlo,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumada Siilaanyo ay ka go’an tahay inay cilaaqaad adag la yeelato dunida carabta, isagoo xusay inay Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu Hoggaaminayay ay socdaalo ku tageen sanadkan dalalka Imaaraadka carabta iyo Kuwayt.

“Waxa dalka Imaaraadka carabta markii uu Madaxweynuhu tagay nooga muuqatay isbedel ka duwan mawqifkii dunida carabta,waxaanay u arkayeen Somaliland meel ay xidhiidh la yeelan karaan oo ay maal gashi ku samayn karaan, waxaanay imika dalka ka hirgeliyeen illaa labaatan ceel biyood, waxa kale oo ay wax inagala qaban doonaan ceel biyood oo cusub iyo mashaariic lagu horumarinayo Biyaha oo sanadkan cusub aanu filayno inay inoo bilaabmaan,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu waxaanu intaasi raaciyay “Dalka Kuwayt oo isna Madaxweynuhu tagay waxay inoo dhisayaan casriyaynta madaarradda dalka sida Madaaradda Hargeysa iyo Berbera waxaanay ina siiyeen 10 milyan oo dollar oo garoomada diyaaraha lagu hagaajinayo.”

Wasiirka wuxuu ka hadlay xidhiidh dhex maray dawlada Masar, waxaanu yidhi “Dawladda Masar waa dawlad aad u culus marka laga hadlayo arrimaha Afrika waliba marka laga hadlayo arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya waa dawlad cod cod iyo miisaan ku leh arrimahaasi,Somaliland-na waynu ognahay halkay ka taagan tahay, todobaadkii hore waxa dalka socdaal buuxa ku yimid Safiirka Masar u fadhiya Nairobi, waxaana dhacday in aanu wada hadal la yeelanay dawlada Masar oo aanu kala hadlay arrimaha mandaqada iyo danaha Somaliland. Dawladda Masar waxay dib u eegaysaa siyaasadeedii geeska Afrika, sidaasi darteed, waxa markii Safiirku ku noqday dalkiisii ay dawlada Masar ay marti qaad u fidisay Somaliland waxaana dhawaan tagi doonaa haddii ALLE yidhaahdo wefti ka socda Somaliland.”

Wasiirku waxa ka kale oo uu faah-faahin ka bixiyay cilaaqaadka ay Somaliland la leedahay urur goboleedka IGAD, waxaanu sheegay inay ka qeyb galeen laba shir oo IGAD leedahay.

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inay Midowga afrika ka dalbadeen in mar labaad golaha midowga afrika dib loo horkeeno warbixin qiimo badan oo 2005-tii ay ka sameeyeen.

Wasiirka uu sheegay in dalalka Ingiriiska iyo Denmark ay laban laabeen mucaawimooyinkii ay siin jireen Somaliland isla markaana ay bilaabeen inay si toos ah u siiyaan xukuumadda Somaliland.

Wasiirku wuxuu ku sheegay in sawirka wanaagsan ee caalamku ka haysto Somaliland ay ka turjumayso wufuuda isdaba jooga ah ee dalka yimaada.

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu sheegay inay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin qaramadda midoobay, waxaanu tilmaamay in Golaha ammaanka la horgeeyay warbixin dheer oo ku saabsan Somaliland.

“Markii aanu aragnay inaanay warbixinta Goleyaasha ugu sareeya ee adduunka gaadhaysa inaynaan waxba ku lahayn, waxaanu ka hawl galay arrintaasi waxaana aanu Golaha ammaanka ee qarammadda midoobay aanu bishii May ee la soo dhaafay kula kulanay magaalada Nairobi, waa shirkii aad maqlayseen ee la lahaa Somaliland waxay la kulantay Soomaaliya.waxaanu shirkaasi ahaa mid gaar u ahaa Somaliland iyo Golaha ammaanka, halkaasi waxaanu kaga hadalay in qadiyadeena la siiyo ahmiyad gaar ah oo aanay warbixinta Somaliland marti u noqon warbxiinta Soomaaliya lagag hadlayo, taasi waa ta keentay in Bishii September golaha ammaanku Somaliland ku casuumo shirka loo dhan yahay ee qarammadda Midoobay, waxaana aanu u gudbinay warbixin dheer oo la xidhiidha qadiyadeena,”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibaddu.
Fadhigan waxa gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, waxaanay Mudaneyaashu ay warbixintaasi ka dib wasiirka weydiiyeen su’aalo kala duwan oo uu isna isla fadhigaasi kaga jawaabay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net