Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Kulamo la Qaatay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Jarmalka

Berlin (SLpost)- Wasiirka Arriimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jarmalka gaar ahaana magaalada Berlin, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibada ee dalkaas iyo saraakiil sare-sare oo ka tirsan hay’adda Gargaarka iyo Baanka horumarinta ee Jarmalka.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Wasiirka Khaarajiga Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey ujeeddada kulanka uu Wasiirku la yeeshay masuuliyiinta ka tirsan Xafiiska Arrimaha dibada Jarmalka iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen, khudbad uu Wasiirku ka jeediyay shir uu ka qayb galay oo ka dhacay magaalada Berlin iyo sidoo kale kulan uu la qaatay saraakiil ka tirsan hay’ada mucaawimada dibada u qaabilsan Jarmalka ee GIZ (Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit) iyo baanka horumarinta (GFW) ee dalkaas.

Dr Omar“Wasiirka Arriimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Berlin ee caasimada wadanka Jarmalka masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada ee dawlada Jarmalka, kulankaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada ee Jarmalka.

Waxaanay Wasiirka iyo masuuliyiinta Jarmalku kulankaasi kaga wada hadleen arrimaha siyaasada iyo nabad-geliyada ee Somaliland iyo in uu Jarmalku ku soo biiro ama ka qayb ka noqdo sanduuqa horumarinta ee ay Somailand u fureen dawladaha Britian iyo Denmark, iyo sidoo kale wada shaqayn cusub oo dhex marta Somaliland iyo Jarmalka,” ayaa lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Debedda.

Waxa kale oo lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland kulan uu magaalada Berlin kula yeeshay madaxda hay’ada mucaawimada dibada u qaabilsan dalka Jarmalka ee loo yaqaano GIZ iyo Baanka horumarinta Jarmalka ee GFW la yidhaahdo, kuwaasi go’aan ku gaadhay in ay dhawaan Somaliland u soo diraan wefti ka socda labadaasi hay’adood.

Dr Omar2Sida lagu xusay warsaxaafadeedka Wasaaradda Khaarajiga, wasiirku waxa uu khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shir ka dhacay xarunta caanka ah ee doodaha siyaasada dibada ee madaxda adduunku ay ka jeediyaan khudbadaha ee loo yaqaano SWP, oo ku taala magaalada Berllin ee caasimada wadanka Jarmalka. “Khudbadaasi oo nuxurkeedu ahaa geedi socodka dimuqraadiyada iyo dawladnimada ee ay Somaliland gaadhay iyo sidoo kale guulaha la taaban karo ee ay ka gaadhay hanaanka dimuqraadiyada. Waxa kale oo kulankaasi lagaga dooday sidii ay beesha caalamku u tixgelin lahayd qadiyada Ictiraafka Somaliland.

Waxa kale oo Wasiirka qaabilay guddoomiyaha guddida baarlamaanka Jarmalka ee arrimaha dibada ee xisbiga Liberal-ka oo ay weheliyeen xubno kale oo baarlamaanka ka tirsan.

Wasiirka ayaa beri waxa uu booqasho ku tagi doonaa magaalada Hague ee waddanka Holland halkaasi oo uu kulan kula yeelan doono Wasiirka amniga iyo Cadaaladda ee dalka Holland.”

SOMALILANDPOST.NET