Wasiirka Khaarajiga oo caddeeyey muhiimadda Aqoonsiga Somaliland u Leeyahay Dalka Maraykanka

London (SLpost)- Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa tibaaxay in aqoonsi buuxa oo Maraykanku siiyo Somaliland ay horseedayso xoojinta amaankiisa, maadama dalkiisu kala shaqeeyo dhinacyo badan oo muhiim ah.

Qoraal garnaqsi ah oo Mr. Biixi shalay ku baahiyey wargeyska ganacsiga Caalamka (International Business Times) ayuu ku cadeeyey inaanu keliya taagnayn aqoonsi dalkiisu ka helo Maraykanka, balse tahay waxa ugu fiican ee Maraykanku ku dhiirran karo.

berberaWasiirka Khaarajiga oo ka hadlayey dhinacyada Somaliland kala shaqeyso dalka Maraykanka ayaa sheegay, “Inay la dagaalanka argagaxisada ku taageeraan Maraykanka, si adag uga shaqeeyaan ilaalinta cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, lana wadaagaan macluumaadka xasaasiga ah, xeebaheeda ka safeeyeen halista budhcad-badeedka, kuwa la qabtana la xukumo, isla markaana gudahooda ku dhigis ku sameeyeen dagaalyahanadi hubaysnaa, kana mid noqdeen ciidamada booliiska iyo milateriga.”

Somaliland waxay ku taal goob ay ku kulmaan, siyaasadaha, dhaqaale, iyo ganacsiga caalamku, aqoonsi la’aanteedu waxay hakinaysaa kala qeybqaadashadii beesha caalamka waajahaada caqabadaha ka yimaada.

“Waxaanu rajeynaynaa in Maraykanku maadama uu yahay hormoodka xuquuqal-insaanka iyo tiirarka xukuumadaha taageeradooda. Ma taagna aqoonsi Somaliland ka helsho Maraykanka, balse tahay waxa ugu fiican ee Maraykan samayn karo, maadama ay farriin u noqonayso Qaarada Afrika in is-maamul wanaagsan iyo Umadda isku tashatay ee dawladnimadooda dhistaa ay abaalmarin leeyahay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.