Wasiirka Kaluumaysiga Oo Ka Hadlay Weerar khasaare sababay Oo Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland Ka fuliyeen Gudaha Somaliland

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cali Faarax Buureed, ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ku soo xadgudbay Xeebaha Somaliland dileen muwaadin Kaluumayste ah u deegaan ahaan u dhashay degmada Laasqoray ee Somaliland.

Arrintan oo ka dhacday meel u dhow Xeebta degmada Laasqoray ayuu wasiirku sheegay inay tahay xadgudub ciidanka maamulka Puntland sameeyay, islamarkaana ay halkaasi ka kaxaysteen Doonyo kalluumaysi.

Wasiirka oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Intaanu ognahay Ciidamo ka yimid maamulka Puntland oo doonyo ka kaluumaysta badda oo dhinaca Puntland ka yimid caydhsanaya( Doonyo sharci darro ah oo Iiraan laga leeyahay oo badda xadaya iyo ciidanka Puntland oo is eryanaya) ayaa isla soo galay Somaliland dabeedna Nin qaali ah oo reer Laasqoray ah oo Kaluumaysatada ka mid ah ayaa ku dhintay, Alle ha u naxariistee isaga iyo ehelkiisaba tacsi ayaanu u diraynaa. Markaa dhibaatadaas baa dhacday, iyaguna doon yihii iyo wixii way la tageen.”

“Dhibaatadaas baa dhacday, waana mid xadgudub ah, waxay ahayd haddii doonyuhu ka soo gudbeen Soonahooda inay dawladda Somaliland ku soo war galiyaan oo arrintaas la soo socodsiiyaan laakiin, inay ka daba yimaadaan oo halkaas la soo galaan sharci darro ayay ahayd, wixii halkaas ka dhacayna iyaga ayaanu jawaab degdeg ah ka sugaynaa, dawladda hay’addaheeda amaankuna way la xidhiidheen,” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Somaliland.

Wasiir Buureed waxa kale oo uu sheegay in Kaluumaysatada waddanka ay dhibaato ka haysato dhinaca Kaydinta Kaluunka islamarkaana aanay haysan qalabka qaboojiyeyaasha ah ee Kalluunka lagu kaydiyo si aanu u xumaan. Waxa uu sheegay in wakhtigan la filayo in Kaluumaysigu fudaado maadaama oo ay gebo-gabo ku yahya wakhtiga Xagaaga ee Kuleylka iyo Hanfigu ka jiro dhulka Xeebaha.

Somalilandpost.net