Wasiirka Kalluumaysiga Oo Berbera ka Furay Xarun Ay Hirgelisay Hay’adda Fair Fishing

Berbera, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa xadhiga ka jaray xarun cusub oo ay kalluumaysatada magaalada Berberi ka heli doonaan dhamaan agabka kala duwan ee kalluumaysiga, kaasoo ay hirgelisay hay’adda Fair Fishing oo kalluumaysatada Somaliland ka taageerta, una fududaysa horumarinta adeegyada ay u baahan yihiin.

QAWasiirka oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaraddaas Maxamed Cilmi Xuseen ayaa kalluumaysatada ku booriyay inay ka faa’iidaystaan khayraadka baddaha ku jira, maadaama oo ay heleen qalab jaban oo u fududaynaya kalluumaysiga.

Sidoo kale, waxa munaasibadda xadhiga lagaga jarayay xarunta cusub ka hadlay Isu-duwaha Somaliland ee Hay’adda Fair Fishing Yuusuf Cabdilaahi Guuleed, waxaanu sheegay in xaruntani tahay, mashruuca Fair Fishing qaybtiisii labaad, isagoo xusay inay hore u hirgeliyeen goobo lagu kaydiyo kalluunka iyo baraf-dhaliyeyaal.

Ugu horeyn Isu-duwaha Somaliland ee Hay’adda Fair Fishing Yuusuf CabdilaahI Guuleed oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Waxa maanta (shalay) farxad weyn noo ah inaanu furayno qaybtii labaad ee mashruuca Fair Fishing oo ah xaruntii ay kalluumaysatadu ka qaadanayeen ama ka helayeen dhamaan qalabka kala duwan ee loo adeegsado kalluumaysiga, qalabkan oo aan hore wadanka looga helijirin kalluumaysataduna ay u doonan jireen Boosaaso ama Dubai , runtii wasaaradda kalluumaysiguna waxa weeyaan garabkayaga koowaad, waxaanay noola shaqaysaa si aanaan kaba abaal-gudi karin, mar walbana waxay noo fududaysaa waxyaabaha aanu u qabanayno kalluumaysatada taaso aanu aad ugu mahadnaqayno wasaaradda kalluumaysiga .”

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa isagana waxa hadalkiisii ka mid ahaa. “Waxaynu furaynaa xarun qalabka kalluumaysiga oo noqon doona qalab u jaban qiimo ahaan, una tayo fiican kalluumaysatada. Annagoo hore hay’adda Fair Fishin uga codsanay in kalluumaysatada wax deeq loo siiyaa aanay wada gaadhi Karin, balse wax qiimo jaban oo ay iibsan karaan oo ay wada awooddi karaan inay keenaan, markaa qaybtii ugu horeysay ayaa hadda timi, dukaankan aynu furaynana waxa loogu talo-galay in qalabka la dhigo, qaybo dambena way iman doonaan, waxaanu filaynaa in kalluumaysatadu ka faa’iidaysan doonto aadna badda loo gali doono, mar haddii la helay qalab lagu kalluumaysto oo jaban.”

Sidoo kale, Maamulaha Waaxda Kalluumaysiga ee Hay’adda Fair Fishing Jaamac Axmed Cashuur ayaa faahfaahin ka bixiyay agabka kala duwan ee yaalla xarunta hay’addaasi hirgelisay iyo adeegyada ay u qaban doonaan kalluumaysatada, isagoo xusay inay ku jiraan qalab aan hore dalka u oolin, kaasoo casri ah, isla markaana fududayn doona soo jilaabbashada kalluunka noocyadiisa kala duwan. Waxa kale oo uu masuulkani tilmaamay in qalab kale oo nooca kalluumaysiga ah ay dalka keeni doonto hay’adda Fair Fishing, isla markaana kalluumaysatada dhawaan loo furi doono tabobaro kor loogu qaadayo, isla markaana lagu kobcinayo xirfaddooda kalluumaysi.

SOMALILANDPOST.NET